4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Cismaan Xasan Cali (Caato) oo ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa gellinkii dambe ee maanta oo Isniin ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu xalay lasoo gudboonaaday xanuun dhinaca wadnaha ah.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray; sidoo kalena wuxuu wasiir iyo xildhibaan kasoo noqday dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in xalay uu soo wajahay xanuun daran oo sababay in gellinkii dambe ee maanta uu ku geeriyoodo Muqdisho, iyadoo lagu wado in maalinta berri ah lagu aaso isla Muqdisho.

Dhawaanahan Cismaan Caato kama uusan muuqan siyaasadda dalka, isagoo u wareegay dhinaca ganacsiga oo uu markii horeba ku jiray, waxaase laabtankii sano ee dalka uu burburka ku jiray uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeed dalka soo maray isagoo kasoo qaybqaatay dagaallo badan oo dhacay.

Laga soo billaabo Sannadihii 1991-kii illaa 1995-kii wuxuu ka mid ahaa xubnihii sida dhow ula shaqeynayay Jen. Maxamed Faarax Caydiid, isagoo lagu qabtay dagaalkii u dhexeeyay UNOSOM iyo xoogaggii Jen. Caydiid, inkastoo markii dambe lasii daayay.

Sannadkii 1995-kii waxaa isaga iyo Jen. Caydiid soo dhexgalay khilaaf uu ka dhashay gacan ku hadal dhexmaray taageerayaashoodii, waxaana ay dagaalamayeen tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii 1996-kii markaasoo Jen. Caydiid uu dhintay.

Muuse Suudi Yalaxow oo ay xulufo isku dhow ahaayeen Cismaan Caato tan iyo 1995-kii ayaa ka hadlay geeridiisa isagoo ku tilmaamay inuu ahaa siyaasi weyn oo qayb libaax kasoo qaatay siyaasadii uu dalku soo maray muddadii burburku jiray.

Cismaan Caato ayaa wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaankii ugu dambeeyay ee KMG ahaa, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga dhex muuqday baarlamaanka marka ay jiraan murannada siyaasadeed ee la xiriira howlaha xukuumaddii KMG ahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya