4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 5 , 2013
Dagaalyahanada Al-shabaab oo xalay Saqdii dhexe Weerar culus ku qaaday Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Isniin, August 05, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shahaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaalkaas oo socday muddo saacado ah.

Dagaalka ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay guud ahaan degmada Baydhabo, iyadoo lagu arkay gudaha magaalada xoogag ka tirsan Al-shabaab oo takbiirsanayay, waxayna weerarrada ku qaadeen fariisamaha ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Goobaha ugu waaweyn ee ay Al-shabaab beegsadeen ayaa waxaa ka mid ahaa Baar Bakiin iyo saldhigga booliiska Baydhabo oo ay deggenaayeen ah sldhiggada ugu waaweyn ee AMISOM iyo booliisku ay Baydhabo ku leeyihiin.

Weerarka ay Al-shabaab ku qaadday Baydhabo oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa sababay dhaawacyo iyo dhimasho, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Dhaawacyada ka dhashay dagaalka ayaa la kala gaarsiiyay isbitaalka guud ee Baydhabo iyo garoonka diyaaradaha oo AMISOM ay ku leeyihiin isbitaal weyn, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaalladaas ay isugu jireen rayid iyo ciidammo.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ay xalay gudaha u galay Baydhabo ay wateen gaari dagaal, kaasoo ka dhex-dagaalamayay gudaha magaalada, iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu cuslaa ee Baydhabo ay ku qaaddo Al-shabaab tan iyo markii laga saaray.

Hiiraan Online, Baydhabo