4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2013
Sheekh Maxamed Macallin oo ka hadlay Xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys kana dalbaday Dowladdu inay sii dayso

Axad, August 04, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ururkii burburay ee Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sii dayso Sheekh Xasan Daahir, isagoo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan.

Sheekha oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in dhowr jeer uu taleefoonka kula xiriiray Sheekh Xasan uuna ka dareemayya in xaaladiisu ay wanaagsan tahay, isagoo xarisiiga ku tilmaamay mid wajiyo badan loo yeelayo.

“Caafimaad ahaan Sheekh Xasan Daahir waa wanaagsan yahay, dhowr jeer ayaana taleefoonka kula xiriiray, balse dowladda Soomaaliya waxay xarigiisa u yeelaysaa wajiyo badan, isagoo sheegay in qorshuhu ahaa in Sheekh Xasan uu bedelo warjigiisii hore uuna ka shaqeeyo nabadda,” ayuu Sheekh Maxamed Macallin ku sheegay wareysigiisa.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay qorsheynayeen in Sheekh Xasan Daahir marka uu Cadaado yimaaddo uu halkaas ku noqdo taransi ayna u duuliyaan dhinaca dibadda, kaas oo qabyo ahaa, balse markii ay gaareen Cadaado ay dowladdu cadaadis ku saartay maamulka Ximin iyo Xeeb in Sheekha lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya, taasna ay ugu dambeyn suurogashay.

Mar uu ka hadlay go’aanka Sheekh Xasan kaddib Al-shabaab ayuu sheegay inuu yahay mid uu ku doonayo inuu kaga shaqeeyo nabadda dalka, isagoo diiday in Sheekh Xasan uu ka mid ahaa saraakiishii Al-shabaab. Isagoo ka soo bixitaankiisii Al-shabaab ku tilmaamay mid ay iyagu ka shaqeeyeen.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku cadaadinaysaa Sheekh Xasan inuu tanaasul ka sameeyo dhammaan mowqifyadiisa, taasna waxay u muuqtaa inay keenayso in dalku uu dib ugu laabto dhibaatadii uu kasoo gudbay,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay isku halleynayso ciidanka ka socda dalalka Afrika ee Uganda, ayna muuqato inaysan doonayn inay si nabad ah xalka ku raadiso.

Dhanka kale, Sheekh Maxamed wuxuu sheegay in dowaldda Soomaaliya ay u sheegeen in la furo albaabada wadahadalka, isagoo xusay in waxyaabaha ay kala hadli doonaan ay ka mid yihiin joogitaanka ciidamada AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya