4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo ka Hadlay Kulan ay Maanta ku yeesheen Xaruntooda iyo Wasiirro la Ansixiyey

Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey  yeeshay shir ay albaabadda u xidhnaa oo loo diiday warbaahinta, taas oo la sheegay in lagaga doodayey xaaladda guud ee dalka iyo sidii isla xisaabtan dhexdoodda ah iyo xukuumadaba u samayn lahaayeen.

Golahan wakiiladda ayaa baryahan dambe lagu dhaliili jiray inay isku dhex milmeen xukumadda iyo sharci dejinta, haseyeeshee waxay fadhigaasi kaga doodeen sidii ay u kala madax banaanaan lahaayeen golaha iyo xukuumadda, isla markaana xildhibaanaddu u soo xaadiri lahaayeen wakhtiyada goluhu furan yahay.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md:Cabdiraxmaanb Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ka hadlay sababta saddex fadhi u xidheen ee warbaahinta loogu diiday inay ka soo qaybgasho, waxaanu xusay inay ka wada doodeen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii ay xukuumadda ula xisaabtami lahaayeen.

“Golaha Wakiilada oo ah Golaha sharci dejinta 1aad, ahna golihii ugu horeeyey ee shacbigu soo doortay waxa uu yeeshay saddex fadhi oo xidhan maalimihii Axadda , Isniinta iyo salaasada ee ku taariikheysnaa  25 ilaa 27 August 2013”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay shirgudoonka golaha Wakiilada.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dood dheer ka dib ay mudanayaashu soo saareen  Sideed qodob oo ay ku wada shaqayn doonaan, kuwaas oo kala ah:

1. Xaalada Guud ee amni iyo nabadgelyo ee Somaliland .

  • Waxay u jeediyeen baaq nabad gelyo beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex  martay degmeda oog, waxay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday, kuwii dhaawacmayna waxay eebbe uga baryeen inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
  • Waxay kale oo ay shacbiga  Somaliland  ugu baaqeen inay ilaashadeen nabadgelyada, wada noolaashada iyo wadajirka geesna uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland.

2. Arrimaha dhallinyarada , shaqo la,aanta iyo tahriibta.

  • Waxaa goluhu ugu baaqay dhallinyarada Somaliland inay dalkooda hooyo aaminaan
  • Waxaa Goluhu ugu baaqay xukuumadda , shirkadaha  iyo  ganacsatada waaweyna Inay sameeyaan mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada
  • Waxaa Goluhu u soo jeediyey xukuumadda iyo shacbiba si adag loola dhagaalamo shabakadaha dembiilayaasha  ah ee ku foogan ama ku hawlan tahriibinta dhallinyarada
  • Waxaa Goluhu isla qaatay inay qayb muhiim ah ka noqdaan wacyi gelinta dhallinyarada ee tahriibta.

3. Maadaama sidaan ka war qabno khasaare badan oo naf iyo maalaba lihi ka dhasho dooxyada xili roobaad kasta  gaar ahaan dooxyada kuwa u dhaxeeya Hargeysa iyo Berebera, waxa goluhu ugu baaqay deeq bixiyayaasha iyo xukuumadda in loo qorsheeyo dhismo biirjyo (bridges).

4. Waxa Goluhu xukuumadda u soo jeediyey iyada oo fulinaysa ku dhaqanka dastuurka ay Golaha Wakiilada  u soo gudbiso heshiiyada ay gasho.

5. Isaga oo fulinaya wajibkiisa dastuuriga ah, waxa Goluhu soo jeediyey in la xoojiyo daba galka Xukuumadda.

6. Maciishada iyo sicir bararka.

  • Iyada oo heerka shaqo la,aanta shacbiga Somaliland aad u sareeyo, sanadihii ugu dambeeyeyna macashiidu kor u kacaysay sicir barar joogta ahina jiray, waxa Goluhu baaqa u jeediyey xukuumadda JSL inay qaado talaabooyin lagu xakameynayo sicir bararka iyo ascaarta ama qiimaha badeecadaha.
  • Sidoo kalena waxay ganacsatada JSL u soo jeediyeen inay u naxariistaan shacbiga Somaliland ee danyarta ah  ee maciishadu ku sii adkaaneyso.

7. Waxa kale oo mudanyaashu dood adag ka yeesheen.

  • Wanaajinta iyo tayeynta maamulka Golaha.
  • Xoojinta  Xil gudashada mudanyaasha iyo ilaalinta saacadaha shaqada.
  • Dardar gelinta shaqada guddi hoosaayadda Golaha.
  • Dhamaystirka shuruucda qabyada ah ee Golaha taal

8. Mudanyaasha Goluhu waxay u soo jeediyeen ciidaanmka amaanka iyo hey,adda dawladda inay dhawraan dhawrsanaanta  iyo maamuuska dastuurku siiyey mudanyaasha baarlamaanka JSL .

Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu guddi u saaray soo ururin doonta waxyaalihii uu goluhu ka hadlay fadhiyadii xidhnaa ee uu yeeshay.

Dhinaca kale, waxa ay goluhu maanta ansiyey wasiiro iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan,  waxaana fadhigii 7aad ee kalfadhiga 22aad ee golaha Wakiiladda lagu ansixiyey:

Xoghayaha gud ee golaha Cabdirisaaq Ayaanle ayaa golaha ka hor akhriyey CV-yadda masuuliyiintan la ansixinayo, waxaana masuul walba laga siiyey shan daqiiqo oo uu xildhibaanadda kula hadlo isagoo ka sheekeenaya taariikh nololeedkiisa iyo qorshaha uu doonayo inuu wax ku qabto xilka loo magacaabay.

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiyuhu fasaxay Masuuliyiintii, waxaana la gudo galay ansixinta Wasiirada, iyagoo dhamaantoodba la ansixiyey, waxaanay ahaayeen wasiiradda la ansixiyey kuwan hoos ku qoran:.

  1. Maxamed Biixi Yoonis wasiirka Arrimaha Dibada,
  2. C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse) Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta.
  3. Aadan Axmed Warsame Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology.
  4. Maxamed Jaamac Abgaal Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta.
  5. Axmed Cabdi Kaahin Wasiirka Wasaarada Dib-u dejinta.
  6. Maxamed Muuse Abees Wasiiru dawlaha Wasaarada Madaxtooyada.
  7. Bashiir Cabdi Xariir Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga,
  8. Xasan Daahir Dhimbiil Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Qorsheynta.
  9. Cabdi Daahir Camuud Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland