Raggan ayaa loo haystaa inay weerareen markabka MV FNS Nivose taariikhdu markay ahayd May 3, 2009.Xaakimka ayaa ku eedeeyay gar-soorahii hore in xukunnada uu ku riday eedeysaneyaashani ay ahaayeen kuwo culus oo uusan tixgalin in ay tahay markii ugu horeysey ee ay dembi noocan ah galaan.“Waxaan go'aamiyay in 20 sano ay tahay xukun culus oo dheeraad ah, waxaanan ku soo koobay xukunkooda 5 sano oo kasoo bilaabanaysa wakhtigii hore ee xukunku uu ku dhacay" ayuu yiri Garsoore Muya, wuxuuna amar ku bixiyay in 11-kan nin markay xukunkooda dhammaystaan dib loogu celiyo waddanka Soomaaliya.
Raggan ayaa waxaa dawladda Kenya u soo gacan galiyay maraakiibta dagaalka ee Yurub, kuwaasoo ka hawlgala xeebaha Soomaaliya kuna andacoonaya inay ka ilaaliyaan burcad-badeedda, walow dhawaantan warbixintii Qaramada Midoobay lagu sheegay in halkaas ay ka wadaan kalluumaysi sharci darro ah ayna gacan saar la leeyihiin burcad-badeeda Soomaalida ah.
Axmed C/samad, Hiiraan Online[email protected]Nairobi , Kenya