4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho ka ambabaxay iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda oo toogasho lagu dilay



Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi  Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo u duulay dalka Sucuudiga, halkaasoo la sheegay inuu u tagay cimro iyo ka qayb galka shir aan faahfaahin laga bixin oo ka dhacaya caasimadda dalkaas ee Riyaad.

Wafdiga ra'iisul wasaaraha waxaa ka mid ahaa: wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Nuur Gacal, af-hayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji C/weli iyo xaaska ra’iisul wasaaraha Caasho Xaaji Cilmi - oo xildhibaanad ah.

Ra’iisul wasaaraha oo xukuumaddiisu ay jirto muddo hal sano ku dhow, ayaa inta badan safarro ku tegi jiray gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo safarkani uu kusoo beegmayo xilli dowladdu ay dadaal ugu jirto xasilinta amniga dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Mudane Saacid ayaa horay safarro dhowr ah ugu tegey qaar ka mid ah dalalka ay ciidamadu Soomaaliya ka joogaan, sida: Itoobiya, Burundi, Uganda, Jabuuti iyo dalka Ruwanda.

Inkasta oo aan faahfaahin dheeri ah laga hayn safarka ra'iisul wasaaraha iyo wefdigiisu ay ugu baxeen dalka Sucuudiga, wuxuu haddana noqonayaa kii ugu horreeyay - tan iyo intii xilka loo dhaariyey- ee uu ku tago dal ka baxsan Qaaradda Afrika.

Dhanka kale, kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa isla gelinkii dambe ee maanta waxay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ku toogteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo maanta baaritaan dad badan lagu soo qabqabtay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen.

Goob-joogayaal ayaa war-baahinta u sheegay in askarigan ay toogteen dhowr dhalinyaro ah oo watay bastoolado, kuwaasoo markii ay dilka geysteen goobta isaga baxsaday, waxaana tani ay sare u qaadaysaa walaaca dhanka ammaanka laga qabo ee Muqdisho xilligan ka jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya