4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
FOWSIYO YUUSUF: “Dowladda Shiinuhu waxay dib u dhisaysaa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Burco iyo Xarumo kale”


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar shaqo oo qaatay muddo toddobaad ka badan oo ay ku tagay dalka Shiinaha ayaa ka sheegtay shir jaraa'id oo ay ku qabatay garoonka in Shiinuhu uu mashaariic badan oo dib-u-dhis ah ka billaabayo Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dowladda Shiinaha ay lasoo saxiixatay heshiis dhinacyo badan taabanaya, kaasoo ay qayb ka yihiin dib-u-dhiska waddada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacayo iyo Burco, garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka Qaranka iyo goobo kale.

“Dowladaha Soomaaliya iyo shiinaha waxaa u dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo soo taxnaa muddo aad u dheer, iyadoo Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay kuwa bariga Afrika oo xiriir diblumaasiyadeed la sameeya Shiinaha, lana xasuusan yahay in Soomaaliya ay u ololeysay sidii ay Shiinuhu u heli lahaayeen xubinnimada joogtada ah ee golaha ammaanka,” ayay tiri wasiiradda.

Sidoo kale, Fowsiyo Yuusuf waxay sheegtay in intii ay Shiinaha joogtey ay booqatay magaalada ugu weyn dhinaca ganacsiga ee dalka Shiinnaha oo lagu magacaabo Shanghay, gobolka Inner, Mongolia iyo caasimadda dalkaas ee Bikiin, ayna intii ay ku sugnayd dalkaas la kulantay mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay ra'iisul wasaare ku xigeenka Shiinaha, Wang Yang, wasiirka dibadda, Wang Yi iyo xubkale oo ka tirsan dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda dadka Shiinaha.

“Wasaaraddeydu waxay ku howlan tahay, kalana hadashay dowladaha ay ku xiran yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida Maldives, Seychelles, Kenya, Ethiopia, Yemen, Libya, India iyo kuwo kale si loo siiyo xuquuqdooda sharci, lana suuro-geliyo siideyntooda. Waxaa naga go’aan ah ilaalinta sumcadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool,” ayay kaga jawaabtay wasiiraddu su’aal ahayd waxa wasaaraddeeda uga qorsheysan in ay ka qabto sii daynta Soomaalida dibadaha ku xir-xiran.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan xiriirkii ay Soomaaliya la lahayd dib u soo celisay, iyadoo ballan qaaday inay si toos ah u caawin doonto wixii hadda ka dambeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya