4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland oo booqday xero ciidan oo ku Taalla Duleedka Magaalada Taleex (SAWIRRO)


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxwene ku-xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire oo booqday sal-dhig ciidan oo ku yaalla degmada Taleex ayaa u sheegay ciidamadii ku sugnaa xeradaas in la tayeyn doono.

Jen. C/samad wuxuu sheegay inuu u yimi halkaas hawlo gaar ah, balse uu soo booqday ciidanka daraawiishta, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Taleex, Cali Diiriye Faarax (Cali Baalle) oo la hadlay wafdiga uu hoggaaminayo Jan. C/samad - oo wasiiro iyo xildhibaano ay ka mid yihiin- , ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca iyo soo celinta degaanada ka maqan Puntland.

Jen. C/samed ayaa Taleex kulammo gooni gooni ah kula qaatay madaxda maamulka Khaatumo, isimmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka, inkasta oo aysan war-baahintu helin faahfaahin dheeri ah oo kulammaadaas ku saabsan.

Dhinaca kale, waaxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in degmada Taleex uu ka furmo shir ballaaran oo ay yeelanayaan beelaha gobolka, shirkaas oo ujeedadiisu tahay in la xalliyo khilaafaad soo kala dhex galay bulshada gobolka, islamarkaana lagu gorfeyn doonno xaaladda siyaasadeed ee xilligan uu dalku ku sugan yahay iyo sida ay bulshada reer Taleex ula jaan-qaadi karaan.

Booqashada madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ku tegey Taleex - oo ahayd mid aan horay loo sii shaacin-, waxay noqonaysaa tii ugu horreysey muddo sanado ah. Jen. C/samed oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool, wuxuu ku dhashay degmada taariikhiga ah ee Taleex.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool