4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Hay'adda Samafalka SADO oo Tababar ugu Qabatay Degmada Baydhabo ee gobolka Bay Haweenka Ganacsatada ah (SAWIRRO)



Jimco, August 30, 2013(HOL) :- Tababarkan oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa waxaa haween gaaraya boqol u qabatay hay'adda sama-falka ee SADO  - oo ka shaqeysa horuumarinta arrimaha bulshada- waxaana hay`addan ay ka howlgashaa goballada Bay, Gedo, Jubbooyinka iyo Gal-gaduud.

Haweenka tababarka loo qabtay ayaa waxay yihiin kuwo magaalada Baydhabo ku leh ganacsiga yaryar sida: hablaha iibiya shaaha, caanooleyda iyo kuwa wax ku iibiya hareeraha waddooyinka,waxaana muddada uu tababarkani  socdey la barayay sidii ay u hormarin lahaayeen ganacsigooda yar-yar ee hadda ay wadaan.

Haweenkan ayaa markii tababarka loo xiray waxaa qofkiiba la siiyey lacag gaareysa $400 ( afar boqol oo Doollaar ) si ay ugu hormariyaan ganacsigooda ama ay isaga bixyaan haddii ay jirto cid dayn lagu leeyahay, waxaa sidaasi u sheegay Ergo,  Guhaad Maxamed Aadan oo ka mid ah madaxda hay`addan.

"Hay’adda SADO, gobolladaan koonfur galbeed 15 sano ayey ka shaqaynaysay, barnaamijkaan haweenka la dhiirri gelinayo ayaan maalmahaan Baydhabo ka wadnay. Haweenkaan aan soo xulnay waa kuwa dan yarta ah sida: kuwa sandaqadaha iyo kuwa shaaha iibiya, waxanan u qabanay siminaar aan isleenahay noloshooda wax buu ka tarayaa" ayuu hadalkiisa ku daray.

Qaar ka mid ah haweenkii lacagta la siiyey oo aan kula kulmey goobta tabarka loogu soo xirey ayaa mar aan waydiiyey dareenkooda waxay ii sheegeen iney diyaar u yihiin sidii ay heer uga gaari laaheen ganacsigooda.

Xabiibo Cabdi Isaaq " Waxaan haystaa shan carruur ah oo agoon ah, miis yar ayaan ku ganacsan jiray, afar boqol oo dollar ayaa la i siiyey kadib markii tababar ganacsiga sida loo kobciyo ah ayaa la i siiyey"

Guhaad Maxamed Aadan oo ka mid ah hawlwadeenada hay'adda SADO ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in hablaha maanta lacagta ay siiyeen ay ka warqabi doonaan hadba heerka ay gaarsiyaan ganacsigooda, isagoona tilmaamay in sidoo kale lala xisaabtami doono.

Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ayaa waxaa marka aad marto waddooyinkeeda kala duwan aad ku arkeysaa haween hareeraha waddooyinka la fadhiya miisas,  kuwaas oo mararka qaar ganacsiga ay halkaas ka bilaabaan ka gaara horuumar weyn.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya