4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgallo baaritaano ah kawada xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Howlgallo baaritaanno ah oo boqollaal lagu qabqabtay ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa oo xalay uu dhacay iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay mid-mid u baarayaan guuyaha ku yaalla xaafadahaas oo ay ka mid yihiin kuwii xalay uu dagaalku ka dhacay, iyadoo baaristan lagu sheegay mid lagu raadinayo goobihii laga soo abaabulay weerarka.

Inkastoo aan la ogeyn khasaarihii ka dhashay dagaalkii xalay ayaa waxaa haddana guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan uu sheegay inuu ahaa mid laga soo abaabulay degmada Yaaqshiid oo daris la ah degmadaas.

“Dagaalkii xalay wuxuu ahaa mid laga soo abaabulay degmada Yaaqshiid, balse kooxihii weerarka soo qaaday waa la iska caabiyay, saakayna waxaa socda baaritaanno lagu raadinayo,” ayuu Cumar Jacfaan hadalkiisa ku daray.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha uu dagaalku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay inay arkayeen boqollaal dhallinyaro ah oo lagu ururiyay barxado ku yaalla xaafadahaas, kuwaasoo ay kala saarayaan ciidammo dhar cad ah.

“Saakay waxaan ku waabariisannay ciidammo fara badan oo xaafaddeenna ku sugan, kuwaasoo markii waagu baryay billaabay inay guryaha mid-mid u galaan ayna kasoo qabqabtaan dad dhallinyaro u badan,” ayay tiri Nasteexo Axmed oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda SOS ee degmada Huriwaa.

Dagaalkii xalay ka dhacay xaafadda SOS ee degmada Huriwaa ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa falalka ammaan-darro ee ka dhacaya Muqdisho, iyadoo dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay amniga Muqdisho ku sugi lahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya