4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdigii uu horkacayay oo gaaray Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda (SAWIRRO)


Sabti, August 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga qayb-galaan shirka dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ka mid ahaa wasiirka difaaca, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sh. C/qaadir, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale Kampala ku sugnaa wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf X. Aadan.

Gellinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu kulan la yeesho madaxweyne dalka Uganda, Yuweri Musaveni kaasoo ay kaga wada-hadli doonaan xiriirka labada dal, ciidamada AMISOM iyo shirka dalalka ay ka socdaan ciidamada jooga Soomaaliya oo berri ah ka dhici doono Kampala.

Yoweri Museveni ayaa ayaa shir guddoomin doona shirkan oo ay kasoo qayb-geli doonaan madaxda dalalka: Uganda, Burundi, Sierra Leone, Jabuuti iyo Kenya oo ay dhammaandoo ka joogaa Soomaaliya ciidammo nabad ilaalin ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu khudbad taariikhi ah ka jeediyo shirka berri ka dhacaya Kampala, isagoo uga mahad-celin doona  dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayaan sidii ay Soomaaliya u noqon llahayd dal nabad ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay; gaar ahaan dhanka dagaallada laula jiro Al-Shabaab, tababarrada joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya la siiyo iyo dib u habeynta socota ee lagu sameynayo hay’adaha amniga dalka.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Uganda ayaa qaadan doonta laba maalmood, isagoo inta uu halkaas ku sugan yahay kulammo la yeelan doona mas’uuliyiinta dalalka kale ee kasoo qeyb-gali doona shirkan.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Somalia ay dhaliilsan tahay kaalinta ay ciidamada Kenya ee qabtay ka ah AMISOM ka qaateen howlaha nabad ilaalineed ee Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay ku eedeysay inay ka qahbgaleen dagaallo ka dhacay Kismaayo.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya