4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Al-shabaab oo caawa weerartay saldhigyo ay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ku leeyihiin Muqdisho


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku qaaday weerar culus maqribnimadii caawa sal-dhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa goob-joogayaal ku sugan nawaaxiga halka uu ka dhacay waxay warbaahinta u sheegeen in xoogagga Al-shabaab ay la beegsadeen saldhig ay ciidanka AMISOM ku lahaayeen warshaddii barafuunka ee degmada Huriwaa.

“Mar qura ayaa waxaa laga warhelay jugta baasuukayaasha kuwaasoo ay la beegsanayeen xoogagga Al-shabaab sal-dhigyo ay AMISOM iyo ciidamada dowladdu ku leeyihiin isgoyska SOS, markii dambe weerarkaasi wuxuu isku bedelay dagaal culus oo muddo socday,” ayuu goob-joogaha la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, goob-jooguhu wuxuu sheegay in dagaalkan uu ka duwanaa kuwii habeennadii lasoo dhaafay ka dhacayay xaafado ka tisran degmada Huriwaa oo ku taal dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.

“Ciidamada AMISOM waxay bilaabeen inay madaafiic ku garaacaan xaafado ka fog halka lagu dagaalamay oo ka tirsan degmada Huriwaa, lama oga khasaaraha ka dhashay,” ayuu goobj-ooguhu mar kale yiri.

Inkastoo dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM aysan ka hadlin weerarka caawa lagu qaaday sal-dhigyada ay ciidamadoodu ku leeyihiin xaafadda SOS ee degmada Huriwaa ayaa hadana wuxuu weerarkani imaanayaa iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Dhanka kale, weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu sameeyay guddi madaxbannaan oo ka shaqeeya ammaanka guud ee dalka, guddigaas oo dejinaya qorshaha lagu sugayo amniga dalka oo dhan.

Kooxda Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa waxay horay u sheegtay in dagaalyahannadoodu ay sugan yihiin Muqdisho, kuwaasoo fulin kara howl-gal kasta oo loo baahdo, waxaana kooxdan ay dhawaan ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah ciidamada AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya