4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Boqolaal arday ah oo Maanta u fariisatay Imtixaanka qubuulka Jaamacadda Banaadir iyo kulliyado lagu soo kordhiyay (SAWIRRO)


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Xarunta Dr. Shahiid ee Jaamacada Banaadir oo ku taalla deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay imtixaanka ogolaanshaha ama qubuulka ee ardayda ku biiraysa jaamacadda oo ay u fariisteen ku dhawaad kun arday.

Guddoomiyaha jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay kulliyadihii hore ee jaamacadda iyadoo lagu soo kordhiyay kulliyado cusub, wuxuuna dhinaca kale xusay inay munaasabaddan ay kusoo aadday xilli maanta ay imtixaankii gaba-gabada ahaa u fadhiyaan qaar ka mid ah ardayda kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Banaadir.

“Saaka waxaa farxad inoo ah inaan halkan ku qabannay imtixaanka lagu soo galo jaamacadda ama qubuulka ee sanadka 2013-2014, waxaana ardayda u fariistay ay gaarayeen 802, taasoo ah tiradii ugu badnayn ee abid u fariisata imtixaanka qubuulka Jaamacada Banaadir muddadii ay jaamacaddu jirtay oo laga joogo 11-ka sano, waxayna tani muujineysaa sumcadda, tixgelinta iyo karaamada ay jaamacaddu ku leedahay ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in jaamacada oo horey uga koobnayd toddoba kulliyadood oo kala ah: kulliyadda caafimaadka, Injineeriya oo laba taqasus leh, beeraha, xannaanada xoolaha, Computerka Siecance-ka, waxbarashada iyo sharciga, in sannadkan lagu soo kordhiyay kulliyadaha kala ah culuunta caafimaadka oo ka kooban kalkaaliye sare, sheybaare, umuliso iyo suuxiye.

“Ardayda imtixaanka fariisnaysa waxay ka kala yimaadeen dhammaan dalka Soomaaliya, dalalka dariska iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Canada iyo Yurub,” ayuu intaa ku daray guddoomiyaha jaamacada Banaadir.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa u mahad-celiyey guddiyada jaamacadda ee soo diyaariyay imtixaanka, isku dubaridkiisa iyo xoghaynada oo uu sheegay inay kasoo shaqeeyeen sidii imtixaankan uu ugu dhici lahaa si cadaalad ah, isagoo ardayda u rajeeyay guul.

“Ardaydan imtixaanka soo gelitaanka loo qabtay waxaa ka mid ah 296 arday oo u fariistay kulliyadda caafimaadka oo ah kulliyada ugu ballaraan Banadir University, taasoo ay hadda dhigtaan 1065 iyadoo tiradan cusub haddii ay ku biirto gaaraysa ku dhawaad 1500 oo arday oo muddo lix sano ah baranaysa dhaqtarnimada, waxaana horay uga qalin-jebiyey arday 200 ah oo hadda ka shaqeeya Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa xusay in kuliyada Ingineeriyada ay iyana u fariisteen imtixaankeeda 170, kuliyadda beeraha 101, kuliyada xanaanada xoolaha 61 arday, kuliyada cusub ee culuunta caafimaadka 31 arday; halka kuliyadaha soo harayna ay u fariisteen arday gaareysa 30. Isagoo sheegay in ardayga ka gudbaya imtixaanka eek a mid noqonaya kuwa jamaacadda wax ka baranaya laga doonayo buundooyin ka sarreeya 60%.

Ugu dambeyn, wuxuu u mahadceliyay aasaasayaashii jaamacadda Banaadir, Dr. Xasan Xaaji Maxamed Shuuriye, Dr. Maxamuud Maxamed Xasan (Biday), oo ah hormuudka kuliyadda caafimadka, Dr. C/samad Abiikar Xaaji oo ah madaxa qaybta carruurta, Prof. Maxamed Axmed Weheliye madaxa qeybta Sheybaarka, Prof. C/raxmaan Macallin Fiqi oo ah madaxa qaybta qaliinka iyo Faadumo Cismaan oo uu sheegay inay London uga timid.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya