4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Munaasibad soo dhaweyn ah oo ka dhacday xarunta Jaamacadda Kismaayo iyo Ergada oo Ansixiyay Qodobo dhowr ah (SAWIRRO)



Khamiis, August 29, 2013 (HOL)Ergadii soo dooratay maamulka Jubbland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa si diiran usoo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay heshiiskii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Odoyaal dhaqameed iyo masuuliyiin kala duwan oo ka hadlay  munaasibad maanta ka dhacday xarunta Jaamacadda Kismaayo ayaa si diiran usoo dhaweeyay natiijadii kasoo baxday heshiiskaasi, waxayna sheegeen in tallabadani ay tahay mid farxad u ah guud ahaan shacabka ku dhaqan Jubooyinka.

Goobta ay munaasibadda ka dhaceeysay ayaa lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaro dhaqameedyo iyadoona dadkii kasoo qeybagalay munaasibadda ay ka muuqatay farxad iyo reyn reyn ku aaddan heshiiska ay gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo munaasibadda ka hadlay ayaa guul ku tilmaamay heshiiskan isagoona u mahadceliyay guud ahaan dadkii ka qeybqaatay in Isfahanka dhexmaray labada dhinac, wuxuuna sheegay in tallabadani ay tahay mid ku dayasho mudan oo hore loo qaaday.

Xildhibaan Xidig ayaa sidoo kale u gudbiyay ergadii shirka iyo masuuliyiinta maamulka salaam uus heegay in uu uga wado madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo gudoomiyaha baarlamanka Proff: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dhinaca kale Gudoomiyaha shirka ahna sii hayaha xilka madaxweeynaha maamulka Jubbaland Macalim Max’ed Ibraahim ayaa ergadii shirkii lagu soo doortay maamulka ka cosaday in ay ansixiyaan qodobo ay kamid ahaayeen in 5 xubnood lagu  kordhiyo tirada golaha wasiirada oo sida dastuurka maamulku qorayo ahayd 10 wasiir iyo weliba in mudo 30 cisho oo dheeri ah loogu daro madaxweeynaha si uu usoo dhameystiro maamulkiisa.

Ergada ayaa si gacan taag ah ku ogolaatay in 15 laga dhigo tirada  golaha wasiirada, iyagoona sidoo kale mudo 30 cisho oo dheeri ah ugu daray madaxweeynaha si uu usoo dhameystiro maamulkiisa.

Sikastaba waxa maanta magaalada Kismaayo siweyn looga hadalhayaa heshiiskii shalay magaalada Adisababa ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoona wadooyinka maanta lagu arkayay dad sita calanka Jamahuuriyadda Soomaaliya iyadoona sidoo kale la arkayay gaadiid ay ku xardhanyihiin sawirrada madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, kan maamulka Jubbaland iyo kuxigeenkiisa.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.