4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Kulan Lagu Codsanayay in Xayiraadda Laga Qaado Ganacsade, Axmed Nuur Jimcaale oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha salaaddiinta, dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta Soomaaliyeed ayaa beesha caalamka looga dalbaday inay aqbalaan baaqii ay soo jeedisay xukuumadda Soomaaliya ee ahaa inuusan wax dambi ah lahayn ganacsade, Axmed Nuur Jimcaale oo Qaramada Midoobay ku dartay liiska xubnaha argagixisada ah.

Kulankaas ayaa waxaa kaloo kasoo qayb-galay qaybaha bulshada, waxaana si mideysan looga dalbaday beesha caalamka inay dib u eegto baaqyada uga imaanaya xukuumadda Soomaaliyeed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku aaddan in xayiraadda laga qaado ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.

Afhayeenka golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur ayaa sheegay in kulankooda ay qayb ka tahay taageero ay u muujinayaan baaqii 22-dii bishan kasoo baxay Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in ganacsade, Axmed Nuur Jimcaale laga saaro liiska uu ku jiro ee argagixisada ee ay Qaramada Midoobay kal hore ku dartay, maadaama uusan wax lug ah ku lahayn arrimaha lagu eedeeyay.

“Waxaan dowladda uga mahad celinaynaa sida ay uga damqatay dhibaatada lagu hayo ganacsadahaa Soomaaliyeed, annaguna waxaan taageersannahay baaqa xukuumadda, waxaana beesha caalamka ka codsanaynaa inay tixgelin siiso baaqaas,” ayuu yiri af-hayeenka golaha salaaddiinta,

Malaaq Cabdikariin Ibraahim Ibroow oo ah guddoomiye ku-xigeenka golaha salaaddiinta oo isna ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in beesha caalamka looga fadhiyo sidii ay u dhaqan-gelin lahayd baaqyada ay jeedinayaan dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha, Boqor Faarax Cabdi Guure ayaa isaguna ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan inay garab istaagaan baaqii kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, isagoo xusay in taasi guul lagu gaari karo, shacabkana looga baahan yahay inay muujiyaan teegeeradooda arintaas ku aaddan.

Maalmihii u dambeeyey waxaa isa soo tarayey baaqyada ka imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu taageerayo go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirrada ee ahaa in ganacsade Axmed Nuur Jimcaale uusan lahayn wax dambi ah, kaddib baaritaanno ay xukuumadda Soomaaliya ku sameysay, iyadoo Golaha Ammaanka ka codsatay in laga qaado xayiraadda saaran.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya