4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
WARSAME JOODAX: “Uma dulqaadanayno in Xilligan Waddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho lagu xiro dhagaxaan waaweyn”


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa sheegay inaysan u dulqaadanayn in xilligan dhagaxaan waaweyn lagu jaro waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Warsame Joodax oo ka hadlayay kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo shalay ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay in rajo weyn oo dhinaca amniga ah laga qabo Muqdisho, dhagaxaanta waddooyinka lagu xirayna ay keenayaan niyad-jab.

“Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta nabadgalyo xilligan, umana dulqaadan doonno dhagaxaanta lagu xiray waddooyinka muhiimka ah, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowladdu inay arrintan wax ka qabtaan,” ayuu Joodax ku yiri hadal uu jeediyay.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir oo sii hadlaya ayaa sheegay in xilligii ay Muqdisho qaybo badan oo ka mid ah ku sugnayd Al-shabaab dhagaxaan laguma xirin waddooyinka, sidaa darteed ma ogolaan karno in maanta oo ay nabad wanaagsan tahay xilligaas jidadka muhimka ah lagu jaro dhagaxaan.

“Xilligan ma jiro Al-shabaab xoog leh oo ku sugan Muqdisho, waxaan dhihi karaa waxaa jooga kuwo yar oo haddii shacabka iyo booliisku ay gacmaha is-qabsadaan lasoo qabqaban karo, marka ma ahan in laga dhigo Muqdisho meel ay cabsi ka jirto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, mas’uulkan wuxuu sheegay inay qorsheynayeen in caasimadda ay yimaadaan shirkado maal-gashi ku sameysta, lana horumariyo ganacsiga gobolka, dhagaxaanta waddooyinka la dhigayna waa kuwo muujinaya inaan la imaan karin Muqdisho.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddo bil ka badan ay xiran tahay waddada weyn ee isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska KM-4, halkaasoo la dhigay dhagaxaan waaweyn.

Gaadiidleyda gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa BL-ka ayaa waxay ka cabanayeen dhawaanahan waddooyinka xiran, iyagoo sheegay in loo diiday inay maraan, halka gaadiidka yaryar oo laga baqdin qabo inay qarxyada geystaanna loo ogolaaday inay maraan waddooyinkaas la xiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya