4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Rabshad ka dhacay Taleex xilli ay bartanka Degmadaas socod ku marayeen Madaxweyne ku xigeenadda Puntland iyo Khaatumo

Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Buuq looga soo horjeedo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire ayaa maanta ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool, xilli uu la socday madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo.

Buuqan ayaa sida ay dad goob-joogayaal ah noo xaqiijiyeen ka dhashay kaddib markii ay kulan wada-yeesheen Jen. C/samad iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo shirka dhamaadkiisii soo maray waddada dhexmarta magaalada Taleex.

Dad u badan dumar iyo carruur ay dhagxaan ku tuuray mas’uuliyiintaas oo sida la sheegay dib ugu noqday goobtii ay ka yimaadeen oo Taleex kaga beegan dhinaca waqooyi, iyadoo rabshaddan la sheegay inay abaabuleen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo kasoo horjeeday kulanka mas’uuliyiintan.

Afhayeenka xafiiska madaxweyne ku xigeenka Khaatumo, Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Digtoor) ayaa sheegay in aanay wax rabshad ahi ka dhicin magaalada Taleex, balse ay jireen dad ku buuqay mas’uuliyiinta.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid albaabbadu u xirnaayeen cidina aanay ka war-hayn wixii kasoo baxay, laakiin dad ku dhow-dhow ayaa waxay sheegeen inay weli socdaan kulammada mas’uuliyiintan ay maanta daah-frueen.

Tagitaanka, Jen. C/samad Cali ee magaalada Taleex ayaa soo shaac-bixiyay khilaaf baahsan oo kala kexeeyay maamulkii Khaatumo kaasoo keenay inuu noqdo mid laba garab ah, waxaase soo muuqata in colaad gacan ka hadal ah ay sababi karto arrintan.

Mas’uuliyiinta Khaatumo ayaa ku kala tagsan fikirka ku saabsan in xiriir lala maamulka Puntland oo haatan aad isugu soo dhawaanaya siyaasad ahaan, waxaase booqashadan dhanka kale kasoo horjeesatay Somaliland.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool