4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Madaxwaynaha Somaliland oo Maanta tagay Boorame, boqolaal arday ahna kala Qayb-galay Munaasabad Qalin-jabin ah


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyadoo sidoo kale lagu soo dhaweeyay deegaanka Dilla halkaasoo ay muddo ku nasteen hadallo soo dhaweyn ahna ay kaga dhageysteen dadka deegankaas.

Waftigu oo gaadiid badan lagu galbinayo aya waxay u soo gudbeen Boorama oo ah xarunta gobolka Awdal, waxayna madaxweynaha iyo wafdigiisu safar dhulka ah kusoo mareen jidka isku xira magaalooyinka Boorame iyo Dila oo ay xukuumaddu dhistay.

Markii madaxwaynaha iyo waftiguusu soo galeen Boorame waxaa lagu soo dhaweeyay caleemo qoyan, ubax, sacab iyo halku dhagyo qurxoon oo soo dhawayn leh, iyadoo ay dadwaynuhu si raxan-raxan leh u taagnaayeen hareeraha waddooyinka una muujinayay madaxweynaha iyo wafdigiisa inay ku faraxsan yihiin imaanshahooda.

Intaas kaddib madaxwaynaha ayaa tagay jaamacadda Camuud halkaasoo uu kaga qaybgalay xaflad qalin-jabin ah oo loo sameynayay arday waxbarasho dhameystay.

Madaxweynaha Somaliland oo la hadlay ardayda qalin-jabinayay isagoo ku boorriyay inay uga faa’iideeyaan wixii ay barteen ubadka Somaliland, isagoo ku tilmaamay aqoontu inay tahay mid fure u ah horumarka bulsho walba oo caalamka ku nool.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland