4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulkii Jubbaland oo heshiis ku kala saxiixday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya (SAWIRRO)

IMG_3269.jpgArbaco, August 28, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa goor-dhow heshiis dhowr qodob ka kooban ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, halkaasoo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay ku lahaayeen kulammo.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayaa in ciidamada maamulkii Jubbaland ee ku sugan Kismaayo la qarameeyo iyo in maamulkan oo ah mid KMG ah uu jiro muddo laba sano ah, kaddibna la sameeyo maamul rasmi ah oo gobolladaas ay yeeshaan.

“Qodobbada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in maamulkan KMG ah ee lagu magacaabo Jubba uu hoggaamiyo, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) iyo in shir dib u heshiisiin ah lagu qabo Muqdisho,” ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo u warramayay VOA-da.

Xildhibaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax C/qaadir oo ergooyinka dowladda hoggaaminayay iyo Sheekh Axmed Madoobe oo dhinaca hoggaaminayay inay ka dhawaajiyeen in shirka Muqdisho kaddib shir labaad oo midkan daba socda lagu qaban doono magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka dekedda magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddo lix bilood ah haynaya maamulka KMG ah ee cusub, iyadoo xildhibaanku uu sheegay in lagu soo wareejin doono maamulka garoonka diyaaradaha dowladda Soomaaliya muddo 30-maalmood ah kaddib.

“Heshiiska waxaa ka mid ah in Sheekh Axmed Madoobe uu soo magacaabo guddoomiyeyaasha saddexda gobola ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo, lana dhiso guddi sida baarlamaan oo kale u shaqeynaya,” ayuu xildhibaan Xoosh hadalkiisa raaciyay.

IMG_3223.jpg

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergayga gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, xubno ka socda beesha caalamka, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta IGAD.

Xildhibaanka oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida ay dowladda Soomaaliya u aqoonsanayso maamulka KMG ah ee cusub ayaa sheegay inuu yahay mid ka jira gobollada saddexda ah oo keliya. Isagoo ka gaabsaday inuu su’aashan ka bixiyo faahfaahin dheeraad ah.

Hirgelinta qodobbada heshiiskan ayuu sheegay inay kor kala soconayso sida ay u fulaan urur goboleedka IGAD, wuxuuna xusay in farxadi ay hareysay goobta uu saxiixa heshiiskan ka dhacayay.

Dhinaca maamulka Jubbaland ma jirto cid u hadashay oo sheegtay sida ay u arkaan heshiiskan ay la galeen dowladda Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu soo afjarayo muran siyaasadeed muddo bilooyin ah u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo bishii May ee sannadkan Kismaayo looga dhawaaqay.

image (1).jpg
10892_10200834732045002_1316536163_n.jpg
IMG_3212.jpg
IMG_3183.jpg
IMG_3192.jpg
IMG_3211 (2).jpg
IMG_3196.jpg
IMG_3175.jpg
image (2).jpg
IMG_3176.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya