4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Kooxda kubada kolayga ee dalka Jabuuti oo ciyaar saaxiibtinimo la yeeshay laba kooxood oo ka jira Somaliland (SAWIRRO)


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Kooxda kubadda Kollayga ee magaca Ciidaanka Asluubta Somaliland ku ciyaarta, ayaa shalay kaga badiyey kooxda magaca Caasimadda Jabuuti ku ciyaarta 58 dhibcood, halka kooxda Jabuutina keensatay 48 dhibcood.

Ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmartay labadan koox, ayaa ku wada ciyaaray garoonka kubadda kolayga ee Timacadde ee magaaladda Hargeysa.

Kooxda ka socota waddanka Jabuuti oo ka mid ah Kooxaha waaweyn ee ka dhisan waddankaasi, isla markaana ay ku jiraan ciyaaryahano xulka qaranka Jabuuti u safta, ayaa ciyaartan dhex martay Kooxda Asluubta  iyo kooxda Caasimadda Jabuuti ku dhex martay ciyaar aad u heer saraysa, waxaanay halkaasi guushu ku raacday kooxda Asluubta ee Somaliland.

Ciyaarta ayaa Haafkii hore lagu kala nastay 26 Dhibcood oo Kooxda Jabouti leedahay iyo 21 Dhibcood oo Asluubtu keensatay, hase ahaatee qaybtii dambe ee Ciyaarta ayaa Asluubtu la timi waji cusub oo ciyaareed iyo awood ka balaadhan sidii hore waxaanay shabaqa ku hubsadeen todoba iyo Soddon dhibcood , halka Jabouti City laftoodu ay taasi mid la mid ah sameeyeen, isla markaana Goolal badan keensadeen.

Weerar iyo weerar celis oo koox waliba ku dadaalaysay inay guushu raacdo ayaa ugu dambeyntii waxay kooxda Ciidamada Asluubta ee Somaliland keensatay 58 dhibcood, halka 48 dhibcoodna ay la hoyotay kooxda Caasimadda jabuuti u ciyaaraysay.

Kooxda ka socota waddanka Djabouti oo isu diyaarinaysa ka qayb-galka tartanka Caalamiya kooxaha kubadda Kolayga ee Afrika, ayaa dadka ciyaaraha ka faaloodaa saadaalinayeen inay u awood sheegan doonto kooxda Asluubta maadaama oo ay ku jiraan rag Kaalin sare kaga jira Ciyaaraha Kubadda Kolayga Jabuuti, isla markaana ay tahay Koox heerkeedu gaadhsiisan yahay illaa heer ay ka safanayso Garoomo Caalamiya, kuwaas oo qaarkood ka soo ciyaaray garoomo caalami ah, haseyeeshee waxa filan waa ay ku noqotay markii ay garoonka guul daro kala hoydeen.

Dhinaca kale, waxa iyaduna ciyaar saaxiibtinimo dhexmaray kooxda Jabuuti City iyo kooxda Gaashaan ee Somaliland, kuwaas oo ciyaar wanaag iyo xamaasad lah soo bandhigay, waxaanay ugu dambeyntii guushu raacday kooxda Gaashaan Somaliland oo 44 keensaday, halka Jabuuti City keensatay 42 dhibcood.

Ciyaartan saaxiibtimo ee labadda kooxood dhexmartay ayaa ahayd mid xirfad iyo wanaag ku dhisnayd,isla markaana labadda dhinacba soo bandhigeen ciyaar wanaag, waxaanay intii ay socotay ay xarago leh u wada ciyaareen labadda kooxood oo taageerayaashooduna xamaasad iyo dhiirigalin la daba joogay, haseyeeshee ugu dambeyntii ay kooxda Gaashaan Somaliland ku badisay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda ciyaaraha, Dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye oo furitaankii Ciyaarta iyo gabagabadii ciyaartan ka hadlay , ayaa sheegay in Kooxda Asluubtu ka mid tahay Kooxaha ugu waaweyn ee waddanka ka dhisan, isla markaana ay hore uga soo qayb-galeen tartamo kala duwan.

Guddoomiyeyaasha Xidhiidhadda Kubadda Koleyga ee dalalka Somaliland iyo Djabouti oo kulankan goob-joog ka ahaa ayaa iyaguna hambalyo u diray labada kooxood ee ciyaartu dhex martay, waxaanay bogaadiyeen isu imaanshiyahooda Hargeysa iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee u furmay.

Gudoomiayah Xidhiidhka Kubadda Koleyga Ee Dalka Jabuuti Mr Cabdiqaadir Cali Caamir ( Muuse ) ayaa guul darada kooxda Jabuuti ku Tilmaamay Xaalada Cimilo ee Somaliland oo ku cuslaatay in ay ciyaartoydu la qabsato iyo Farsamada Dhisme Ee Garoonka Kubadda Kolayga Ee Time Cade Balse Kooxaha Gaashan Iyo Asluubta Ayaa Muujiya farsamad iyo Khibradooda Ciyaar yahanimo madaama oo ay carabiyeen Naadiga Jabouti City Oo Garoomo Caalamiya kasoo Ciyaaray .

Dhinaca kale, gudoomiyaha xidhiidhka Kollayga Jabuuti Muuse Caamirs ayaa beeniyey warar ay warbaahintu ka qortay oo sheegaya in laba ciyaartoy oo qaab aan wanaagsanayn u labistay ay ciidamadu xidheen, balse waxa uu tilmaamay in askari u sheegay ciyaartoyga oo suuqa jooga in dharka ay xidhan yihiin caqabad ku noqon karo oo lagu daandaansan karo sidaa darteed  iska soo bedelaan.

“Waxaan beeninayaa in warar laga qoray laba ciyaartoy oo ka tiray kooxda Jabuuti City in Hargeysa lagu xidhay, waxaase jiray in laba ciyaartoy oo surwaalo gaabgaaban iyo garamo yaryar xidhan ay Hargeysa ku wargeliyeen labada ciyaartoy in dharkani ku keeni karto inay is qabsadaan dhalinyarta sidaa darteed uu hoteelkii ku noqdaan oo ay dhar caadi ah soo xidhaan balse may jirin ciyaartoy laga xidhay”ayuu yidhi gudoomiyaha xidhiidhka kubadda kolayga Jabuuti Muuse Caamir oo arirntaasi ka hadlayey, waxaanu intaas ku daray in dadka qaarkood sawireen labadan wiil oo suuqa jooga ka dibna ay warbaahinta usoo gudbiyeen sawiradoodii maadaama oo labada dal kala yihiin buu yidhi laba cimilo oo kala duwan, taasina ay keentay in habka dhar qaadasho kala duwanaado.

Jawaabtan ayaa ka dambaysay ka dib markii Warbaahinta Somaliland ay qoreen in laba ciyaartoy oo sifo wanaagsan u labisani  oo suuqa ku maraya surwaalo gaagaaban iyo garomo sidoole ah ay ciidanku ka soo qabteen, isla markaana saldhiga lagu xidhay taas oo markii dambe wasiirka ciyaaaruhu ka soo daayey ka dib markii ay sheegeen inay ciyaartoy ahaayeen.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland