4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Guddoomiyaha Cusub ee Islaax oo loo doortay Dr. Cali Baashir C. Rooraaye Kaddib doorasho ka dhacday Muqdisho


Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye
Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Ururka Islaax ayaa guddoomiyaha shanta sano ee soo socota u doortay Dr. Cali Baashir Cumar Rooraaye oo mudadii lasoo dhaafay xilkan hayay, iyadoo Alle looga baryay inuu xilkiisan cusub u fududeeyo.

Warsaxaafadeed uu ururka Islaax soo saaray maanta oo Arbaco ah ayuu ku sheegay in urur uu ka shaqeeeya fidinta dacwada Islaamka, u adeegga bulshada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nabadda iyo is-dhex-galka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu yiri in ururka Islaax shanti sanaba ay mar qabtaan doorashada hoggaamiyaha guud ee ururkan, iyadoo hoggaamiyaha cusub uu xilka haynayo inta u dhexeysa 2013-ka illaa 2018-ka.


Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay ururka Al-Islaax.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya