4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Xukuumadda Shiinaha oo sheegtay inay caawinayso dowladda Soomaaliya, ayna la sameysanayso xiriir Ganacsi oo dhow


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha, Wang Yi ayaa sheegay in dalkiisa uu xiriir dhow oo dhinaca dhaqalaaha iyo ganacsiga ah la yeelanayo Soomaaliya, isagoo xusay inay ka qaybqaadan doonaan dib u dhiska Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Wang ka sheegay kulan uu shalay oo Talaado ahayd la yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dalka Shiinaha ku joogta booqasho hal toddobaad qaadanaysa.

“Shacabka Shiinuhu weligood ma illoobi doonaan in Soomaaliya ay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ku yaalla Afrika oo ay xiriirka dublamaasiyadeed yeeshaan, waxaana xusuusannaan in Soomaaliya ay ka mid ahay dalalkii udub-dhexaadka u ahaa in Shiinuhu uu ka mid noqdo dalalka joogtada ah ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Wang oo intaas ku daray inaysan waxba iska bedelin xiriirkii uu Shiinuhu la lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Shiinuhu wuxuu sheegay in dalkiisu uu ka taageerayo Soomaaliya dib u dhiska kaabayaasha blushada iyo sidoo kale soo celinta ammaanka guud ee dalka.

“Dhab ahaan, Somalia waxay ku tallaabsatay horumar muuqda oo dhinacyo badan ah sida ammaanka iyo dib u dhiska Qarankooda. Shiinuhuna wuxuu dib u soo celin doonaa xiriirkii heerka sare ahaa ee uu Soomaaliya la lahaa, sida ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha, waxaana ka qaybgalaynaa dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wang.

Wasiiirku wuxuu sheegay in sidoo kale ay rajeynayaan inay soo nooleyn doonaan Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkii dhinaca dhaqanka ahaa iyo saaaxiibtinimadii horay ugu dhexeysay labada dal.

Dhanka kale, wasiiradda arrimaha dibadda Somalia ayaa sheegtay in dalka uu doonayo inuu dib u soo celiso xiriirkii fogaa ee ay la lahayd Soomaaliya ka hor dagaalladii sokeeye. Sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya ka caawin doonto horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay in Shiinuhu uu xiriir dhab ah la lahaa dalka Soomaaliya uuna kaalin muhiim ah ka ciyaari karo hannaanka dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya