4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Shir looga Hadlayay Dib u Dhiska iyo Xoojinta Dowladda Somalia oo Maanta lagu soo Gaba-gabeeyay Addis Ababa (SAWIRRO)


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Shir saddex maalmood socday oo looga hadlayay dib u dhiska iyo xoojinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo ay ka qaybgaleen aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo khuburro caalami ah.

Shirkan ayaa waxaa qodobbadii diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa in la dowladda Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto, beesha caalamkana ay ka qaybqaadato dib u Soomaaliya kaddib 22-sano oo colaado sokeeye ah.

Xilligii kala-guurka Soomaaliya ee dhacay sannadkii hore ee lagu soo dhisay dowladda joogtada ah ee hadda ka jirta Soomaaliya ayaa ahaa qodob ay si weyn looga soo dhaweeyay gudaha iyo dibadda Soomaaliya, iyadoo rajada Soomaaliyana laga qabana ay tahay inay ka baxdo burburkii daashaday.

Qodobbadii shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ammaanka dalka Soomaaliya, kaasoo la sheegay in weli ay caqabado badan hortaagan yihiin balse haddii gacmaha la is-qabsado laga gudbi karo.

Dhaqaalo xumida ba’an ee ka jirta Soomaaliya ayaa iyadana lagu sheegay inay tahay middii sababtay inay dalka oo dhan ku dhuftaan abaaro sabab u noqday macluul ba’an oo ku habsatay boqolaal kun oo Soomaali ah, gaar ahaan dadkii beeraleyda iyo xoolaleyda ahaa.

Shirka waxaa lagu soo qaaday shirarkii ka dhacay London iyo Istanbuul sannadkihii 2010 iyo 2012 ee dhaqaalaha loogu raadinayay Soomaaliya, iyadoo lagu sheegay in beesha calaamka ay ku guul-darreysatay inay Soomaaliya siiyaan yaboohii ay ballan-qaadeen xilligaas, taasoo keentay inay hoos u dhigaan fursadihii lagu kocbcin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya looguna abuuri lahaa dadka fursado shaqo.

Dhammaadkii shirka ayaa waxaa laga soo saaray talooyin ay ka mid yihiin in laga caawiyo dowladda Soomaaliya sidii ay hay’adaheeda dowliga ah dib ugu dhisi lahayd, lana siiyo dhaqaale dalka dib loogu dhiso, sidoo kalena ay dib ugu kabato Soomaaliya.

Waxaa kaloo qodobbada shirka ee la isku raacay ka mid ah in la sameeyo guddi dabagal ku sameeya heshiiska calaamiga ah ee dhexmara dowladda Soomaaliya iyo dalalka ay saaxiibbada yihiin, kuwaasoo caalamka oo dhan ka sameyn doona ololayaal lagu caawinayo Soomaaliya si dib loogu dhiso Soomaaliya loona soo celiyo ammaanka.

Qodobbada waxaa ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya laga taageero sidii ay u fulin lahayd qodobbada ay ku doonayso inay dib ugu dhisto dalka iyo kuna soo celiso amniga guud ee dalkeeda.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in beesha caalamka ay qayb libaax ka qaataan sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd dhibaatooyinkii ay ku soo jirtay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo dalka dib u dhigtay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya