4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo dalbaday in Ciidamada Milateriga Somalia laga saaro degmooyinka Gobolkaas

Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa dalbaday in ciidamada milateriga laga saaro guud ahaan gobolka, lana geeyo ciidammo booliis iyo nabad ah si ay amniga u xaqiijiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose, Cumar Max’uud Cilmi (Cumar Carrabeey) oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada milateriga ay caqabad ku noqdeen ammaanka guud ee gobolka, sidaas awgeedna ay dowladda weydiisanayaan inay ka saarto gobolka.

“Shabeellada Hoose waxaa ka jira caqabado fara badan oo isbaarooyinka ay ka mid yihiin, waxaana mas’uul ka ah ciidamada milateriga, sidaas awgeed waxaan madaxda dowladda weydiisanaynaa in gobolka laga saaro ciidanka milateriga, si loo xaqiijiyo ammaankiisa,” ayuu yiri Cumar Carrabeey.

Mas’uulkan wuxuu intaas ku daray inay jiraan dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin in Al-shabaab ay weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah gobolka ka geystaan, taasna ay keentay in dadku ay habeen iyo maalin cabsi ku jiraan.

“Dowladda waxaan weydiisanaynaa in deegaannada ay Al-shabaab gobolka kaga sugan tahay in laga saaro, waayo dadka lama gaarsiin karo gargaar, waxaana dalbanaynaa in Al-shabaab gobolka laga saaro,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Gobolka Shabeellada Hoose oo degmooyin ka mid ah ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan-darro oo ay ka mid yihiin dagaallo ku dhexmaray gobolkaas maleeshiyo beeleedyo iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii Juun u yeeray wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka si ay su’aalo uga weydiiyaan dhibaatooyinka soo laalaabtay oo gobolkaas ka dhacay, inkastoo wasiirku uu sheegay inay xal u heleen dhibaatooyinkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya