4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Wasiirka gaashaandhigga Somalia oo shaaciyay in wasaaraddiisu ay fulisay Qorshaha Mushaar kordhinta Ciidamada


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Wasiirka difaacaddda dowladda Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay fulisay qorshaha mushaar kordhinta ciidamada dowladda oo dhawaan uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshahan mushaar kordhinta ayuu sheegay in looga dan leeyahay sidii loo dhameystiri lahaa xuquuqaadka ciidamada ay ku leeyihiin dowladda si ay u fushadaan iyaguna waajibaadyada lagu leeyahay oo ay ka mid yihiin inay ka horatagaan Al-shabaab.

“Mushaarkordhinta ciidamada ee dhinaca lacagta iyo raashinka wasaaradda gaashaandhiggu waxay billowday inay fuliso, waxaana ciidamada siinaynaa mushaaraadkooda oo 100% la kordhiyay iyo raashinkoooda oo isagana sare loo qaaday boqol-kiiba boqol,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka ayaa sheegay in tani ay dhiirrigelin u noqonayso ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, dhawaanna la billaabi doono qorshayaal looga saarayo Al-shabaab meelaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u soo jeediyay in la kordhiyo mushaaraadka iyo raashinka ciidamada dowladda Soomaaliya, taas oo uu ogolaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Horraantii sannadkan ayaa waxaa socday qorshayaal ay dowladda Somalia ku xaqiijinayso sidii ciidamadu ay ku heli lahaayeen tababarro iyo mushaar wanaagsan, si ay ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qorshaha tayeynta ciidamada ayaa baalka hore kaga jiray qorshayaasha ay ku shaqeynayso dowladda Soomaaliya, taasoo keentay in dhawaan tababaro loogu soo xiro xerooyin ciidan oo dalka ku yaalla ciidammo fara badan oo ay tababareen saraakiil Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ciidamadeedu ay noqdaan kuwa ay ku tiirsan tahay, halka ay haatan kaga tiirsan tahay in ka badan 17,000 oo askari oo ka socda dalalka Afrika kuna howlgala magaca AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya