4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Shir-weyne looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya iyo Hay'adaha Dowladda oo ka furmay Magaalada Addis Ababa


Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Kulan wadatashi ah oo ku saabsan sidii loogu heli lahaa dhaqaale dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Isniintii shalay, sida ay baahisay wakaaladda  wararka dalka Itoobiya ee ENA.

Dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Aadan oo ka hadlay xalaadda Soomaailya ayaa ka dalbaday bulshada caalamka inay sare u qaadaan isla markaana xoojiyaan taageerada dib u dhiska Soomaaliya.

“Beesha caalamka waa inay ka caawiso dowladda Soomaaliya dadaalka ay kusoo celinayso nabadda iyo haya’daha dowladdu ay noqdaan kuwo awood ahaan ka adag sida ay hadda yihiin,” ayuu yiri Axmed C/salaan.

Ururka Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa dowladda Soomaaliya si dhow ugala shaqeynaya dib u soo celinta xasilloonida dalka iyo qorshaha lagu doonayo in dalka dib loogu dhiso.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay machad lagu magacaabo - Machadka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee geeska Afrika (HESPI).

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa sidii si buuxda loogu fahmi lahaa xaaladaha adag ee xilligan hortaagan dib u soo kabashada dalka Soomaaliya iyo weliba sidii loo wajihi lahaa.

Xubnaha shirka ka qaybqaadanaya ayaa waxay isugu jiraan aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo khuburo ka socda beesha calaamka oo ku takhasusay dib u dhiska dalalka ay colaaduhu ragaadiyeen, si ay shirka uga jeediyaan sida ugu wanaagsan ee dib loogu dhisi karo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in shrka inta uu socdo laga doodo sidii loo heli lahaa guddi gaar ah oo daba-gal ku sameeya heshiiska ay galayaan Somalia iyo dalalka ay saxiibka yihiin. Iyadoo shirka uu soo xirmayo berry oo Arbaco ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya