4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Xukuumada Soomaaliya oo 27-ka Ogoosto u aqoonsatay Maalinta Xaquuqul Aadanaha Waddanka Soomaaliya (SAWIRRO)


Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay in 27-ka Ogoosto ay tahay maalinta xaquuqda aadanaha Soomaaliya, kaddib kulan maanta ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaasoo lagu soo bandhigayay khariiradda geeddi socodka xaquuqda aadanaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wafdi heer caalami ah oo uu hor-kacayay khabiirka madaxa-bannaan ee arrimaha xaquuqul insaanka ee Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari. Sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday baarlamaanka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka, haweenka iyo madaxda hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Kulanka kaddib, waxaa shir aan caadi ahayn yeeshay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyagoo isla eegay qorshahan geeddi-socodka xaquuqda aadanaha Soomaaliya, waxaana ay dood-dheer kaddib, ay isku raaceen in la dhaqan-geliyo qorshaha geeddi-socodka xaquuqda aadanaha Soomaaliya kaasoo socon doona muddo labo sano ah 2013-2015.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Dr. Shamsul Bari oo shir jaraa’id oo si wadajir ah u qabtay ayaa isla qeexay in laga billaabo maanta uu yahay dhaqangal qorshahan geeddi-socodka xaquuqda aadanaha Soomaaliya.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Agoosto waxaan iclaaminayaa inay tahay loona aqoonsado maalinta Qaran ee xaquuqda aadanaha Soomaaliya,” sidaa waxaa yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xusay in dawladdu ay mar kasta u taagan tahay difaaca iyo illaalinta xaquuqda aadanaha muwaadinka Soomaaliyeed, qorshahaanina uu ifinayo waddada loo marayo illaalintaas.

Sidoo kale, khabiirka madaxa-bannaan ee xaquuqul insaanka Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari oo isna hadlay ayaa ku amaanay xukuumada Soomaliya sida wanaagsan ee ay uga shaqeysay ilaalinta xuquuqul insaanka; isagoo sheegay in muhiimaddooda ugu weyn ay tahay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shacabka Soomaaliyeed loogana hortagi lahaa falalka tacadiga ee Jinsiga iyo aragtida qofka.

Dhanka kale, ra’iisu wasaare Saacid ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Dr. Shamsul Bari iyo howlwadeenno dhanka xaquuqul insaanka Somalia howlo badan kasoo qabtay, wuxuuna uga mahadceliyay si gaar ah, Dr. Shamsul Bari geesinimadiisa iyo howl-karnimadiisa ku aaddan horumarinta arrimaha xaquuqul insaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa wuuxuu qayb ka ahaa kulammo isdaba-joog ahaa oo ay dowladda Soomaaliya ku horumarinayso xuquuqaha bini’aadamka, waxaana xusid mudan inay golaha wasiirraduu aqoon-sadeen maalinta Qaranka ee xuquuqda bini’aadamka Soomaaliya ee 27-ka Agoosto.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya