3/4/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo Maanta ku dhawaaqay Aas-aaska Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed (SAWIRRO)



Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay golaha amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aannada golaha amniga Qaranka.

Madaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey shir guddoominayay maanta ayaa yiri: “Golaha amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sarreysa Qaranka oo dajinaysa siyaasadda iyo istraatiijiyada amniga guud ee Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo amniga iyo xaquuqda shacabka oo ay ugu horreyso amniga rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.“

Golaha amniga waxaa shir-guddoominaya madaxweynaha Somalia, waxaana xubin ka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiiradda difaaca, kan arrimaha gudaha iyo amniga, maaliyadda, arrimaha dibadda iyo garsoorka.

Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, sida taliyaha booliiska Soomaaliyeed, taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo taliyaha ciidamada ilaalada xabsiyada ama asluubta.

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkiiba mar lagu wadaa inay ku kulmaan oo ay dejiyaan istraatejiyada iyo siyaasadda amniga dalka. Xogheyntana laga sugayaa inay xiriirka iyo dhaqan-gelinta go’aanadda daba-gal ku sameeyaan.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya loo sameeyo gole noocan oo kale ah, waxaana aasaaskiisa uu kusoo beegmayaa xilli uu ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso uu faraha kasii baxayo.

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya ayaa waxaa sannadkan oo keliya ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarumaha muhimka ah ee dowladda iyo kuwa hay’adaha samafalka ee dalka jooga oo ay ku jirto xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Dhammaan weerarradaas waxaa sheegtay xoogagga Al-shabaab oo Muqdisho laga saaray bishii Ogoosto ee sannadkii 2011, waxayna dhowr jeer oo kale ku hanjabeen inay weerarro noocaas oo kale ah fulin doonaan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/27/2013 2:06 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Kulan wadatashi ah oo ku saabsan sidii loogu heli lahaa dhaqaale dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Isniintii shalay, sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Itoobiya ee ENA.

8/27/2013 2:06 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay in 27-ka Ogoosto ay tahay maalinta xaquuqda aadanaha Soomaaliya, kaddib kulan maanta ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaasoo lagu soo bandhigayay khariiradda geeddi socodka xaquuqda aadanaha Soomaaliya.

8/27/2013 1:32 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xig-xigay oo gellinkii dambe ee maanta lagula eegtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia xaafadda Caymiska ee degmada Yaaqshiid.

8/27/2013 1:30 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen qaybaha kala duwan ee ururada haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay go’aankii 22-kii bishan ay golaha wasiirradu ku dalbadeen in xayiraadda laga qaado ganacsade, Axmad Nuur Cali Jimcaale.

8/27/2013 9:07 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shalay magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha kula kulantay ra’iisul wasaare ku xigeenka jamhuuriyada dadka Shiinaha, Wang Yan.

8/27/2013 8:32 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed WaranCade, ayaa digniin u diray maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana hawadda u mariyey in aanay soo farogalin xuduudda Somaliland.

8/27/2013 8:27 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in ay kala qaadan maleeshiyo beelleed dagaal ku dhaxmaray deegaannka Deefoow oo 30-km dhinac W/qooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii ay halkaa gaareen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka oo ay wehliyaan saraakiil ciidan.

8/27/2013 3:35 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Sarkaalka ugu sareeya howlgalka UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa beesha caalamka iyo kuwa ka jira gobolka ugu baaqay inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay cagaheeda isugu taagi lahayd mar kale.

8/27/2013 2:40 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo la hadlya warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in deegaannada ay ka taliyaan ay amni ahaan iyo nolol ahaan ka wanaagsan yihiin kuwa ay ka taliso dowladda.

8/27/2013 2:08 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horraanta bisha September ee soo socota la qaban doono shirweyne Qaran oo socon doona muddo shan maalmood ah si bulshada looga qayb-geliyo siyaasadda dalka.