4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Safarka Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ku yimid Magaalada Taleex

Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed WaranCade, ayaa digniin u diray maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana hawadda u mariyey in aanay soo farogalin xuduudda Somaliland.

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade, ayaa sheegay in wixii dhibaato ah ee ka yimaada arintaasi ay dusha ku qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland iyo ciidamadda uu wato.

“Waa xad-gudub qayrul-sharci ah oo uu kusoo xad-gudbay xuduudda Somaliland ninka sheeganaya madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, arintaas  waxaanu u aragnaa mid khatar ku ah nabad galyada u dhaxaysa dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Warancadde oo shirjaraa’id ku qabtay deegaanka God Heeli ee degmadda Oog  oo uu u joogo hawlo nabadeed, isla markaana uu  dhexdhexaadinayo laba beelood oo dhowaan ku dagaalamay deegaankaasi.

“Waxaanu u sheegaynaa madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland arintaasi inay tahay mid khatar ah, caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in wixii halkaas ka yimaada  ay dusha ku qaadan doonaan ninkaas soo xad gudbay iyo ciidamada uu wato, waxaanu imika heegan galinay ciidamada Somaliland wixii halkaas ka yimaadana waxa masuul ka ah ninkaas ku soo xadgudbay xuduuda Somaliland”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Hadalkan wasiirka ka soo yeedhay, ayaa ka dambeeyey ka dib markii madaxweyne ku xigeenka Puntland shalay booqasho ku yimid degmadda Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo ka mid ah dhulka ay Somaliland iyo Puntland isku haystaan.

Dhinaca kale, dirirtii dhowaan ka dhacday deegaanka God haleeli ee labadda beelood isku laayey ayaa waxay wasiiradii iyo madax dhaqameedkii ka qaybgalay nabadeynta deegaankaasi isa soo hor fadhiiyeen labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray, iyadoo qollo walba min konton qof laga dhaariyey, isla markaana wuxuu khasaare iyo dhimasho dhacayna loo kala tirsan lahaa.

Sidoo kale, waxa labadda dhinacba loo soo jeediyey in heshiish aan shuruud ku xidhnayn ay qaataan, isla markaana waxay labaddii dhinac isla qaateen in nabaddii dib loo soo celiyo ceeleeshii la isku laayeyna la wadaago.

Dagaalkan labadda beelood ayaa waxa ku dhintay illaa lix qof, toddoba kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii ceel xoolaha lagu dhibeeyo la isku qabtay, isla markaana dagaal ka dhacay, haseyeeshee tan iyo intii loo gurmaday waxa deegaanka ka socda in labadda beelood ku heshiiyaan sidii ay u wada noolaan jireena ay u wada noolaadaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland