4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalai oo ku baaqay in Somalia la Taageero si ay Cagaheeda ugu Istaagto


Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Sarkaalka ugu sareeya howlgalka UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa beesha caalamka iyo kuwa ka jira gobolka ugu baaqay inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay cagaheeda isugu taagi lahayd mar kale.

Ergayga oo ka hadlayay shirkii 392-aad ee ay yeeshaan golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika ee Itoobiya ka dhacay ayaa sheegay inay dhici doonto in Soomaaliya wax horumar ah sameyn weydo haddii aan laga tagaeerin waxyaabaha ay u baahan tahay.

“Soomaaliya horumarro badan ayaa laga sameeyay, laakiin ujeeddooyinkii la filayo lama gaarayo haddii aanan si wadajir ah u kordhin dadaalkeenna ku aaddan Soomaaliya,” ayuu yiri Kay.

Horumarrada laga ayaa yimid wixii ka dambeeyay 2011 markaasoo ururka Al-shabaab ay isaga baxeen degmooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kale sannadkii hore markii la dhisay dowladda joogtada ah ee Soomaaliya waxaa jiray horumarro ay sameysay inkastoo aanay ku guuleysan inay halkii laga filayay Soomaaliya ay gaarsiiso.

Nicholas Kay wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay gaartay horumarro la taaban karo tan iyo sannadkii hore markii la dhisay. Sidoo kalena baarlamaanku uu meel-mariyay guddi dib u eegis ku sameeya dastuurka KMG ah, kuwaasoo ay ku jiraan bulshada rayidka ah iyo sharci-yaqaanno.

“Wadjir u shaqeynayteennii waxay sababtay inaan ku guuleysanno arrimo badan oo runtii aan rumeysanahay inay gacan ka geysanayaan dib u dhiska iyo nabad soo celinta Soomaaliya,” ayuu Kay yiri. “Waa inaanan lumen inaan diiradda saarno dadaallada aan ku caawinayno Soomaaliya xilligan adag ee lagu jiro.”

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay howlgalka ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, isagoo sheegay inay horumarro ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, sidoo kalena ay gacan ka geysteen sidii ay howlo bani’aadamnimo uga fulin lahaayeen gudaha Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxay si wadajir ah ugala shaqeynaysaa Midowga Afrika iyo dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii nabadda iyo horumarka dalka horumar looga sameyn lahaa,” ayuu Kay mar kale yiri. “Sidoo kale waxaan rajeynayaa inaan horumar la taaban karo ka sameyno dib u habeynta iyo tayeynta ciidamada xoogga Soomaaliya.”

Ergaygu wuxuu sidoo kale tilmaamay in AMISOM ay sii wadayso taageerada ay siinayso dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay ka shaqeynayso xoojinta hay’adaha dowladda, sida hirgelinta cadaaladda.

Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu sheegay in taageerada ay bixinayaan aysan noqon mid ku kooban caasimadda dalka Soomaaliya oo keliya, balse diiradda la saaro gobollada, sida wadahadallada lagula jiro Somaliland, doorashooyinka Puntland iyo kuwo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya