4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Ciidammo Fara badan oo Itoobiyaan ah oo Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan kawada Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo

Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo Khamiistii lasoo dhaafay gaarya degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo oo ku dhow xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa halkaas ka billaabay dhaqdhaqaaq ciidan.

Suxufi ku sugan degmada Balad-xaawo oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo gaadiid wata lagu arkayo waddooyinka degmadaas, iyadoo aan la ogeyn ujeedka dhabta ah ee ay ka leeyihiin gaarista degmada Balad-xaawo.

“Ciidamadu waxay la kulmeen saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka, mana jiraan wax kasoo baxay kulammadaas,” ayuu u sheegay wariyaha idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Wariyuhu wuxuu sheegay in dadweynaha degmada la isugu yeeray barxad weyn oo ku dhow saldhigga booliiska degmada iyadoo saraakiisha Itoobiya ay ka dalbadeen dadweynaha degmadaas inay ka shaqeeyaan ammaanka guud ee degmada.

Sidoo kale, ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmada Balad-xaawo ayaa intoodii badnayd waxay aadeen degmada Garbahaarey, iyadoo aan faah-faahin laga bixin sababta keentay in ciidamada dowladda degmadaas laga diro.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli magaalada Addis Ababa uu uga socdo shir dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasoo lagu wado inay ku xalliyaan khilaafaadyo u dhexeeya labadan dhinac, kuwaasoo ay ka mid yihiin muranka siyaasadeed ee ka dhashay  dhismaha Jubbaland.

Degmada Balad-xaawo oo ku dhow degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa muddo sannado ah gacanta ku haya ciidammo taabacsan dowladda Soomaaliya, inkastoo dhowr jeer ay Al-shabaab weerarro khasaare  geystay ku qaadday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya