4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Howlgallo lagu soo Qab-qabtay Hub iyo Xubno ka Tirsan Al-shabaab oo laga sameeyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Howlgallo lagu soo qab-qabtay xubno Al-shabaab ka tirsan iyo hub fara badan ayaa waxaa maanta ciidamada dowladdu ay ka sameeyeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee lagu soo qabqbatay howlgalladan ayaa waxay tiradoodu ahayd siddeed qof, kuwaasoo qaarkood ay warbaahinta u sheegeen inay la shaqeeyaan Al-shabaab ayna qorsheynayeen inay degmada Baydhabo qaraxyo ka sameeyaan.

“Magaceygu waa Mustaf waxaan la shaqeyaa Al-shabaab, qorshahayguna wuxuu ahaa inaan falal ammaan-darro ka geysto Baydhabo,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyaradii lasoo qabtay oo warbaahinta la hadlay.

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad Cabdiraxmaan oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallo ballaaran oo ay ciidamadu sameeyeen ay kusoo qabqabteen dhallinyaradan oo Al-shabaab ka tirsan.

“Dhallinyaradan aad arkaysaan oo da’doodu labaatan jirro tahay, waxaa loo soo dhiibay bambooyin waxaana lagu yiri dila waalidkiin, waxaana la yaabay sida ay u ogolaadeen. Waxaana lasoo qabtay iyagoo ku gudo-jira qorshayaal ay amniga wax ugu dhimayaan,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Bay.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalka lagu soo qabqabtay hub kala duwan, dhallinyarada ka tirsan Al-shabaabna la geyn doono sharciga wixii uu ku xukumana lagu fulin doono.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay hub isugu jira, 20 bambaano gacmeed ah, sagaal miinooyinka dhulka lagu aaso ah, 30-rumuud iyo 90-bastooladoo, kuwaasoo loogu talogalay in ammaanka degmada Baydhabo lagu waxyeelleeyo.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolkay Bay ee dowladda Soomaaliya ahna ku simaha guddoomiyaha Shiine Macallin Nuuroow ayaa sheegay inuu ahaa howgalkan kii ugu barllaarnaa oo dhawaanahan laga sameeyo degmada Baydhabo.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in degamda Baydhabo ay maalmaha soo socda booqasho ku tagaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo laga xusi karo guddoomiyaha golaha shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya