4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Xoogag Taabacsan Kooxda Al-shabaab oo si Nabad-galyo ah kula Wareegay Deegaanka Qurac-Joome ee Gobolka Bakool

Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa maanta si nabadgalyo ah kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Qurac-joome oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaasoo uu ka jiray maamul hoos-taga dowladda Soomaaliya.

Ciidamadii dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa deegaankaas iyo xubihii maamulka deegaankaas ayaa isaga baxay degmadaas markii ay maqleen inay kusoo wajahan yihiin xoogag taabacsan Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Qurac-joome ayaa saxaafadda u sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha deegaankaas ku dileen saddex qof oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen maamulkii dowladda ee halkaas ka jiray.

La wareegista deegaankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dagaallo dhowr ah ka dhaceen toddobaadyadii lasoo dhaafay gobolka Bakool, kuwaa oo ay maamulka gobolka Bay ee dowladda Somalia ku sheegeen inay kula wareegayaan deegaannada gobolkaas ee ay Al-shabaab ka taliso.

Xarakada Al-shabaab ayaa guul ku tilmaantay la wareegista ay sida nabad-galyada kula wareegeen maanta deegaanka Qurac-joome, waxaana xubno ka tirsan ay sheegeen in qorshahoodu uu yahay inay la wareegaan gobolka oo dhan.

Maamulka gobolka Bakool ee dowladda Soomaaliya ayaa billowgii sannadkan lagala wareegay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaddib markii ay isaga baxeen halkaas ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa.

Kooxda Al-shabaab oo ah xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacida dagaalna kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa ka talisa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya