4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Furitaanka Kal-fadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo Guddoomiyaha oo ka hadlay Arrintaas

Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xiliga uu furmayo kal-fadhigga saddexaad ee golaha shacabka, kaasoo socon doona afarta bilood ee soo socota.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in kalfhadhiga saddexaad ee baarlamaanka dalka uu furmayo 10-ka bisha September ee foodda nagu soo haysa hadduu Alle idmo, lana bedelay halkii horay loo qorshenayay oo ahayd 02-da September.

“Kaddib markii uu dhageystay guddoonka golaha shacabka soo jeedinta guddiga joogtada ah ee golaha shacabka waxaa la go’aamiyay in kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka uu furmo 10-ka bisha September, iyadoo laga bedelay waqtigii horay loogu qorsheeyay oo ahayd 02-dii September,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in xildhibaannada baarlamaanka ay xiligii fasaxa geli lahaayeen ee labada kalfadhi aanay fasax aadin oo ay shaqeynayeen iyagoo ka qeyb-galayay kal-fadhigii aan caadiga ahayn ee bishii hore, haddana qaarkood ugu maqan yihiin gobollada dalka howlo shaqo; taasoo ah sababta keentay in xiliga uu furmayo kal-fadhiga saddexaad laga dhigo 10-ka September.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku boorriyay xildhibaannada baarlamaanka inay dhawraan waqtiga uu furmayo kal-fadhiga saddexaad oo ay u diyaar-garoobaan inta ka horreysa ka qayb-galka furitaanka kal-fadhiga saddexaad ee golaha shacabka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo sannad jirsaday ayaa wuxuu yeeshay laba kal-fadhi, iyadoo kalfadhigan uu noqnayo kii saddexaad oo golaha baarlamaanka uu yeelanayo, waxaana howlihii uu qabtay labadii kalfadhi ee hore ka mid ahaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo ansixinta xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya