4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaarey Degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay
Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Degmada Taleex ee gobolka Sool waxaa maanta gaarey wefdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Jen. C/samed Cali Shire.

Wefdiga madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka ee Puntland waxaa Taleex loogu soo dhoweeyey si diirran.

Gen. C/samed oo goob fagaare ah kula hadlayey dadweyne boqollaal gaaraya oo soo dhoweeyey, kuwaasoo isugu jirey odayaal dhaqameed, dumar iyo dhalinyaro ayaa sheegay in uu ku faraxsan in muddo sanado ah kaddib uu soo gaaro degmada Taleex oo uu ku dhashay deegaan ahaanna kasoo jeedo.

Mar uu ka hadlayey ujeedada booqashadiisa degmada Taleex, wuxuu tilmaamay inay tahay mid lagu xoojinayo midnimada bulshada gobolka, looguna gogol xaarayo soo celinta deegaannada Puntland ee uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale mar la weydiiyey mudda ay qaadan doonto booqashadiisa gobolka Sool, wuxuu sheegay in ay qorshaysan tahay inuu booqdo deegaano badan oo gobolka ka tirsan.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu ka qayb gelayo shir-weyne ballaaran oo madaxda dhaqanka iyo waxgaradka gobolkaasi ay ku baaqeen, shirkaas ayaa ah mid looga arrinsan doono midnimada beelaha gobolka.

Gabagabadii wuxuu madaxweyne ku-xigeenka Puntland sheegay in midnimada Puntland ay tahay muqaddas, isagoo carrabka ku adkeeyey in sida uu dastuurka Puntalnd dhigayo ay waajib tahay in lasoo celiyo deegaanada Puntland ee xilligan uu ka taliyo maamulka Somaliland.

Socdaalka uu madaxweyne ku-xigeenka Puntland ugu baxay gobolka Sool, wuxuu kusoo aadayaa xilli sidoo kale isla maanta madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayaa ay iyaguna u dhoofeen xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland