4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
JEN. DHEGO-BADAN: “Dilkii Col. Afdhuub Waa mid Siyaasadeysan Waana in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay”


Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa ugu baaqay taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed inay cadaalada horkeennaan cidii ka dambeysay dilka taliyihii guutada labaad ee ciidamada xooga, Col. Cali Guure Afdhuub oo shalay lagu aasay magaalada Muqdisho.

Jen. Dhega-badan oo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa ku sheegeay wareysi uu siiyay warbaahinta Muqdisho in dilkii sarkaalkan uu ahaa mid ay siyaasadi ka dambeyso, hase ahaatee baarista arrinta ay tahay in loo daayo taliska ciidamada milateriga Soomaaliya.

"Col. Cali Guure wuxuu ka mid ahaa raggii dalka u soo dagaalamay, nin qoys ka baxay ma ahayn ee wuxuu ahaa nin ka baaxay Qaranka Soomaaliyeed oo dhan, waxaana uga tacsiyeynayaa ummadda Soomaaliyeed, si gaar ah qoyskii uu ka baxay iyo dowladdaba," ayuu yiri Jen. Dhega-badan.

Sidoo kale, jeneraalku wuxuu sheegay in loo baahan yahay dadkii falkaas ka dambeeyay in si qarannimo ah sharciga loo horkeeno, isagoo sheegay inay ka mid yihiin dadkaas kuwa dalka kusoo duulay.

Marxuum Afdhuub ayaa maalin ka hor ku geeriyooday isbitaalka Xalane oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, halkaasoo looga daweynayay dhaawac ka soo gaaray dagaal uu la galay ciidammo ay isbaaro u taallay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/kariin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka hadlay shalay aaska marxuumka ayaa sheegay in si khaldan lagu dilay ayna soo qaban doonaan kuwii ka dambeeyay si sharciga loo horkeeno.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Indho-Qarsho ayaa isaguna ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay inay soo qaban doonaan kuwii falkaas ka dambeeyay ayna sharciga la tiigsan doonaan, isagoo xusay inay ugu daba-tegi doonaan meel walba oo ay galaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya