4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo shaaciyay inay shirkaddii Somali Airline dib u howlgelinayaan inta lagu jiro Sannadkan


Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay heshay illaa afar diyaaradood oo ay ku howl-gelineyso shirkadii diyaaradaha Soomaaliyeed ee Somali Airline, kaddib muddo 22-sano ah, taasoo ku tegi doonta dalalka caalamka duulimaadyo kala duwan.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka dowladda Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay rajo ka qabaan inay dib u howl-geliyaan shirkaddii Somali Airline ka hor inta aanu dhammaan sanadkan lagu jiro.

"Afar diyaaradood ayaa hadda ballan-qaad u haysanaa inaan ku howl-galino  Somali Airline, waxaan rajeynayaa in sannadkan inta aanu dhammaan aanu howl-gelinno, sida qorshuhu yahay hadduu Alle idmo," ayuu yiri Ciilmooge.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in howlo kale ay socdaan, isla markaana ay qayb-qayb u soo celinayaan howlihii shirkaddii Somali Airline oo ay ka mid tahay in guryihii ay lahayd dadka shacabka ah ee deggen laga saaro si ay u dagaan shaqaalaha shirkadda.

"Howlo kale waa inoo socdaan, laakiin guud ahaan diyaarado waan helnay, duuliyeyaal Soomaaliyeedna waa la xiriirnay, qaar liiskooda waan helnay, rajo-weyn ayaa ka qabnaa in Soomaaliya mar kale aragto diyaaraddii uu ku yaallay calankeenna oo dunida ka shaqeynaysa ," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ay dowladdu soo saartay shuruucda ay ku howlgalayaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka shaqeeya, kuwaasoo ay ka mid yihiin ballamada duulimaadyada iyo kuwo kale.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa muddo sannado ah howlgalaya, waxaana haatan lagu wareejiyay maamulkiisa shirkad dalka Turkiga laga leeyahay, taasoo casriyeynaysa garoonka.

Tan iyo markii uu dalku burburka galay ayaa waxaa shaqeynayay diyaarado ay leeyihiin shirkado madax-bannaan, kuwaasoo intooda badan ah kuwo aan tayo wanaagsan lahayn, waxaase dalka ka howl-billaabay shirkado caalami ah oo ay ka mid yihiin shirkadda diyaaradaha Turkish Arilines iyo shirkadda Air Uganda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya