4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Xuseen Samatar oo ka Tirsanaa Guddiga Waxbarashada Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka oo Geeriyooday


Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Xuseen Samatar, ahaa shaqsigii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo loo doorto in uu xubin ka noqdo guddiga maamula iskuullada waxbarashada magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa shalay galinkii dambe geeriyooday, kaddib markii uu muddo la xanuunsanayey cudurka Kansarka oo dhuuxa ka haleelay [leukemia], sida ay HOL u xaqiijiyeen dad ku dhow-dhow.

“Xuseen waxaa uu ahaa shaqsi qiimo ku leh jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, waxaana  uu ahaa nin ka shaqeyn jiray arrimaha horumarinta bulshadda, waana ay tabi-doontaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota,” ayuu yiri Sadik Warfaa.

Dhawaan ayaa dhuuxa looga beddalay, iyadoona wixii waqtigaasi ka dambeeyey uu bartiisa Facebook-ga ku soo qori-jiray in uu dareemayo isbeddal caafimaad, hase ahaatee mar kale ayuu Xusseen dib ugu laabtay cusbitaalka oo si aad ah ugu xanuunsanayey maalmihii ugu dambeeyey.

“Maantay waa maalin murugo,” ayuu yiri Alberta Monserrate oo ah madaxa guddiga waxbarashada Minneapolis ee uu ka tirsanaa Xuseen Samatar. Monserrate, ayaa intaasi ku daray: “Waxqabadkiisa joogtada ah ee uu u sameeynayey dhammaan caruurta iyo qoysaska deggan Minneapolis, gaar ahaan dadka ku cusub wadanka waxaa uu ahaa mid muuqda…Run ahaantii wuxuu la yimid hogaamin ku dayasho muddan, islamarkaana waxaa uu ka dhabeeyey qiimaha hogaanka uu hayey.”

Xuseen Samatar, Sidoo kale waxaa uu ahaa  nin u dhaqdhaqaaqa ardayda iyo dadka dalka ku cusub, isagoo madax ka ahaa hay’ad  lagu magacaabo African Development Center, taasi oo caawisa ganacsatada yaryar, si loo kobciyo dhaqaalohooda, islamarkaana nolol loogu abuuro.

Waxaa uu ahaa 45-jir ifka uga tagay afar caruur ah iyo hooyadood. HALKAN KA AKHRI WARBIXIN KU SAABSAN DOORASHADII XUSEEN SAMATAR OO ENGLISH AH

Marka laga yimado adeegga bulshada gobolka, gaar ahaan soo-galootiga, Xuseen waxaa qabey hami-siyaasadeed inta aan caawimaad daradu haleelin, isagoo qorshaynayey in mar uun qeyb ka noqdo hogaanka maamulka gobolka uu ku nool yahay . Dhawaan ayaa laga soo xigtay hadal ahaa “in uu qorshaynayo ka qeybgalka doorashada soo socota”, gaar ahaan in uu tartamo duqa Minneapolis, oo ah magaalo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo Mareykanka joogta.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota