4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Xisbiga DADKA oo ah xisbi siyaasadeed oo Mucaaradka ah oo dhaliilay wax-qabadka Madaxda Dowladda Soomaaliya


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyadii ka qaybgalay doorashadii madaxweynenimo ee Soomaaliya ee dhacday sannadkii hore ee 2012 ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Axad ah ku dhaliilay wax-qabadka madaxda dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xisbiga DADKA uu si aad ah ugu riyaaqay markii la doortay madaxda dowladda hadda jirta ee Soomaaliya , balse ay dhiilo ka taagan yihiin waxqabadkooda muddadii sannadkan ahayd ee ay howsha hayeen kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed loosoo bandhigi karo.

“Waxaa muuqata in dowladda ay hadda tukubiddii ku darsatay inay liicdo. Muqdisho waxay la ciirciireysa xaalado ammaan oo shacabkeeda u horseedi kara inay ku kalsoonaan waayaan hoggaanka dowladda, taasoo ay wehliso khatar aan hadda la saadaalin karin oo soo socota,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, waxaa lagu yiri: "Dadweynaha Muqdisho waxay dhawrayaan waxa dhaca 10-ka September ee soo socota, waxayna tilmaantu muujineysaa in waxa keliya ee ay shacabku ku qanci karaan ay tahay isbedel muuqda oo la sameeyo.”

Xisbigu wuxuu warbixintiisa ku sheegay in madaxda dalku ay aamusiyeen oo dabreen inta badan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Qaar ka mi ah xildhibaannada jagooyin laga siiyay dowladda ayna howl-wadeeno ka yihiin xafiisyada madaxda dowladda. Taas waxay dhalisay baa lagu yiri inaysan kasoo horjeesan karin xildhibaannadaas rabitaanka madaxda dowladda.

“Arrintan waxay curyaaminaysaa waajibaadkooda xildhibaannimo oo ah inay qareen u noqdaan una hiilliyaan shacabka iyo rabitaankiisa . Waxaa sidoo kale aan meesha ka maqnayn in baarlamaanku uu noqday suuq lagu kala iibsado codadka, si ku dhisan xaal-mastuurna wax kasta lagu dhameeyo,” ayuu xisbigu ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

Xisbigu wuxuu war-saxaafadeedkiisa sheegay in baarlamaanku ku guul-darreysteen inay turxaanta ka bixiyaan dastuurka oo ay u soo diyaariyaan afti dadweyne, sidoo kalena ay indhaha ka laabteen curinta maxkamadda dastuurka oo saldhig u ah garsoor Soomaaliyeed oo madax-bannaan, taas bedelkeedana waxay noqdeen gole laga ansixiyo sharciyada lasoo hordhigo ee aanay danji ugu jirin shacabka.

“Rajo xumida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed waa mid dareenkeedu gaarsiisan yahay heer aad u liita. Waxaana madaxdu ay si qarsoodi ah u wataan sidii dantooda gaarka ah uga hormarin lahayeen midda guud,” ayaa sidoo kale lagu yiri warka xisbiga DADKU uu soo saaray.

Shacabka ayay sheegeen inay madaxda ka waayeen inay u soo gudbiyaan adeegyada dowladeed oo shacabku ay baahida weyn u qabaan sida: maamul wanaagsan, amni, xaqsoor iyo isku-xirnaan u dhexeeysa dadka iyo madaxda dowladda. Waxaa intaas dheer baa lagu yiri in shacabka ay la kulmeen jid-gooyooyin la dhigtay deegaannada dhexdooda iyo jidadka waaweyn.

“Waxaa shacabka si cad ugu muuqatay in madaxda dowladda ay sheeda ka daawanayaan dhacdooyinka foosha xun ee lagula kacayo, waxaana aan qarsoonayn inaysan madaxdda dowladdu awood u lahayn in tallaabo ay ka qaadan kooxaha fal-dambiyeedyada ku kaca,” ayaa warka lagu yiri.

Xisbiga DADKA oo ah xisbi mucaarad ah ayaa wuxuu warsaxaafadeedkiisan ku sheegay in 10-ka September ay wada sugayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, xog-ogaalna ay u yihiin dhibaatooyinka kala duwan ee dalka ka dhacaya.

“Waxaan meesha ka marnayn in shacabku ay la xisaabtami doonaan kuwa hoggaanka u haya. Haddii aysan waxba qaban karin madxda dowladda waa inay xilka si nabadgalyo ah isaga casilaan. Maadaama aan la qaadan karin in dalka uu xaaladdan ku jiro,” ayaa lagu yiri warka xisbiga kasoo baxay.

Xisbigu wuxuu u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay ka tashadaan aayahooda iyo mustaqbalkooda, ayna mar walba kula xisaabtamaan madaxda wax-qabadkood si ay ugu shaqeeyaan dareen ku qotoma rabitaankooda.

Wuxuu sidoo kale sheegay xisbigu in beesha caalamka ay ku wargelinayaan in madaxda hoggaaminaya dalka ay ku guul-darreysteen waxqabadkii laga sugayay, dadkuna ay hadda u jeesteen sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen.

“Xisbiga DADKU wuxuu aaminsan yahay in mucaaradnimada siyaasadeed ay salka ku hayso fikir siyaasadeed oo la isku maan-dhaafsan yahay, raadna aan ku lahayn khilaaf shaqsiyadeed. Waxaan rumeysannahay in mucaaradka iyo muxaafadka ay kala reebto hadba taageerada dadku meesha ay u badato, maxaa yeelay kaadiriinta taageerayaasha u ah madaxda dowladda iyo mucaaradka waxaa u dhexeeya shacabka,” ayuu xisbigu warkiisa si cad ugu yiri.

Ugu dambeyn, wuxuu qoraalkiisan ku sheegay inuu walaac weyn ka qabo hoggaan xumida madaxda dowladda, iyagoo sheegay in talo xumadu ay sii socoto ay Soomaaliya kusoo koobmi doonto Banaadir iyo labada Shabeelle.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya