4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Taliyihii Guutada labaad ee ciidanka Xoogga oo lagu aasay Muqdisho kaddib markii uu dhintay Dhaawac soo gaaray (SAWIRRO)


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Taliyihii guutada labaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, G/sare Cali Guure Afdhuub ayaa lagu aasay maanta oo Axad ah gudaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu u dhintay dhaawac u geystay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo isbaato ay u taallay.

Aaska taliyahan geeriyooday ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidmada Xoogga dalka, iyagoo sheegay in si dhaqso ah sharciga lagu horkeeni doono askarigii falkaas geystay.

“Sarkaalka waxaa lagu dhaawacay howl Qaran, dhaawicii soo gaaray ayuuna u dhintay, waxaana ballanqaadaynaa in qofkii dilkiisa ka dambeeyay si dhaqo ah sharciga lagu horkeeni doono,” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarsho) oo warbaahinta la hadlay aaska kaddib.

Taliyaha milaterigu wuxuu sheegay in qoyskii uu ka geeriyooday Col. Afduub ay dowladda Soomaaliya daryeelayso, isagoo geeridan uga tacsiyeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada dalka.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isaguna sheegay in taliyaha ay dishay gacan ka xaq-daran ayna soo taagi doonaan ruuxii ka dambeeyay sharciga, isagoo xusay inay meel walba oo uu galo uga daba-geli doonaan.

G/sare Cali Guure ayaa ku dhaawacmay maalmo ka hor dadaal uu ugu jiray inuu ku qaado isbaaro ay gobolka Shabeellada hoose u taallay ciidammo ka tirsan dowladda gaar ahaan milateriga Soomaaliya, waxaana dhaawiciisa lagu daweynayay isbitaal ay AMISOM ku leedahay Muqdisho.

Taliyahan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo u geeriyooda dhaawac kasoo gaaray iskahorimaad u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka, iyadoo weerar lagu qaaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ay horay ugu dileen gobolka Shabeellada Hoose ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya