4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Bulshada oo taageertay Go'aankii Golaha wasiirada ee xayiraad ka qaadista Ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale (SAWIRRO)


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed sida culummaa'uddiinka, odayaasha, dhallinyarada, haweenka, xildhibaannada baarlamaanka qaarkood iyo qurbo-joog kana dhacay hoteelka Jaziira ee Muqdisho ayaa waxaa lagu taageeray go'aankii 22-kii bishaan kasoo baxay golaha wasiirrada dowladda Somalia ee lagu dalbanayay in xayiraada laga qaado ganacsade Axmad Cali Jimcaale.

Kulankan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay mas'uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan, Maxamed Maxamuud Xeyd wuxuuna sheegay inuu si weyn u taageerayo go'aanka geesinimada leh ee golaha wasiirrada, isagoo xusay inay tahay waajib in dowladda ay difaacdo hantida, sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

"Waxaan doonayaa anigoo ka faa'iideysanaya fursadan inaan baaq u jeedino beesha caalamka, gaar ahaana golaha ammaanka iyo Mareykanka, waxaana leeyahay Axmad Nuur Cali Jimcaale waa geesi u gun taday dadkiisa, markii dowladdii dhexe burburtay oo ahaa ruuxii qurbaha lacagaha uga soo qaadi jiray kuwii ku haray dalka ee awoodi waayay inay cararaan, waxaana leenahay argagixiso shuqul kuma lahan," ayuu yiri xildhibaan Xeyd oo intaa ku daray in xayiraadda lagu sii hayo ganacsade Axmad Nuur ay noqoneyso cadaawad loola dan leeyahay in lagu cuuryaamiyo hantida iyo horumarkiisa.

Waxaa iyaduna goobta ka hadashay Marwo Batuulo Sheekh Axmad Gaballe oo ah guddoomiyaha haweenka waxayna sheegtay inay cod dheer ku dal-banayaan in si deg-deg ah xayiraadda looga qaado ganacsade Axmad Nuur Jimcaale, iyadoo hoosta ka xarriiqday inay iyadu shaqsiyan u garaneyso isla markaana weligiis lagu tuhmin falal argagixiso.

"Waxaan leeyahay Axmad Nuur waa ganacsade xalaal miirad ah oo shacabka kaalin weyn u galay una abuuray shaqo kumanaan ka mid ah, ma ahan in loogu abaal-gudo xayiraad iyo argagixiso ayaa looga shakiyay shacabku waa diiday arrintaas, mana ogolin, waana in xayiraadda dhaqso looga qaado," ayay tiri Marwo Batuulo oo intaasi raacisay in cidda la dagaalanta ay tahay cid la dagaalantay horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmad Salaad oo goobta ka hadlay ayaa xusay in dadka maanta shirkan isugu yimid ay badankooda yihiin dadkii ay dhibaatada u geysteen kooxaha argagixisada iyo qaswadayaasha ah, sidaasi darteedna aan marnaba looga shaki karin ganacsade Axmad Nuur inuu ku lug leeyahay arrimo fowdo iyo dhiig daadin.

"Annagu waxaan ka mid nahay kuwa ay dhibaatada u geysteen argagixisada ayna maalin kasta shirqoolka u dhigeyso, sidaasi darteed waxaan halkan ku muujinaynaa taageeradeena ku aaddan Axmed Nuur, beesha caalamkana waxaan leenahay ha la siiyo xorriyaddiisa," ayuu yiri sheekhu yiri.

Sidoo kale, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdkariin Gabeyre oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay inay nasiib-darro ay tahay in ruux Axmad Nuur Jimcaale oo kale ah in la xayiro, maadaama uu yahay shaqsi waqtigiisa iyo maskaxdiisa u huray horumarinta bulshada Soomaaliyeed, shaqana u abuuray kumannaan iyo kumannaan shacabka Soomaaliyeed ah.

Ugu dambeyn, nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo goobta ka hadlay ayaa isna sheegay in caalamka ay ceeb ku tahay shaqsi ay dowaladiisii iyo dadkiisii taageerayaan oo ay codsanayaan in xayiraadda laga qaado in lagu sii hayo, maadaama uu yahay shaqsi bulshada u adeega oo taakuleeya agoonta iyo dadka danyarta ah, dalkana ka hirgeliyay iskoollo, iyo goobo caafimaad.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya