4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo Itoobiya oo dadaallo wadda

Axad, August 25, 2013 (HOL) — Inkastoo wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ay ahaayeen kuwo aanay warar badan kasoo baxayn ayaa haddana waxaa la sheegay in shalay gellinkii dambe lagu kala dareeray.

Khilaafka ayaa wuxuu ka dhashay sida ay wararku sheegayaan maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, kuwaasoo ergooyinka dowladda ay soo jeediyeen in maamulkooda ay lahaanayso dowladda, balse ay diideen xubnihii maamulka Jubbaland.

Qodobkan ayaa la sheegay inuu sababay in shirka lagu kala tago, xilli lagu waday in ergooyinka ay saxiixaan heshiisyo hordhac ah oo ay gaareen, sida in doorasho kale lagu qabto magaalada Kismaayo si loosoo doorto maamul KMG ah oo gobolladaas maamulka inta maamul dhameystiran laga sameynayo iyo kuwo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa kulammo lagu doonayo in lagu sii wado wadahadallada wuxuu xalay la yeeshay xubnaha kala horkacay ergooyinka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka lagu magacaabo Jubbland.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay in Sheekh Axmed Madoobe oo hoggaaminaya wafdiga Jubbaland iyo Faarax C/qaadir oo isna horkacaya wafdiga dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay meel dhexe isugu yimaadaan oo ay wadahadallada sii wadaan.

Hoggaamiyeyaasha ergooyinkan ayaa la sheegay inay maanta billaabeen in kulammo gaar-gaar ah ay la yeeshaan xubnaha la socda, si ay ugu sharraxaan mowqifka dowladda Itoobiya iyo sida wadahadalka lagu sii wadi karo.

Inkastoo wufuudda labada dhinac uu dhexmaray is-jiid-jiid aad u weyn ayaa haddana waxaa laga muujinayaa heshiis wadahadalladan lagu gaari quus, iyadoo siyaasiyiin badan ay qabaan in shirkaas aysan kasoo bixi karin wax natiijo ah.

Dowladda Soomaaliya oo aan aqoonsanayn maamulka Jubbaland ayaa u muuqata inaysan ka dabcin mowqifkeedii ahaa inaysan maamulkaas aqoonsan, halka maamulka Jubbaland ay dadaal ugu jiraan in dowladdu ay aqoonsato maamulkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya