4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukunno ku Ridday Eedeysayaal kala duwan oo ku eedeysnaa dil iyo dambiyo kale


Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa in ka badan toban qof oo eedeysanayaal ahaa ku ridday maanta xukunno isugu jira xabsi, ganaax lacageed iyo dil toogasho ah, iyadoo la sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.

Xukunka kaddib ayaa waxaa saxaafadda u faahfaahiyay xukunnadu sida ay u dhaceen guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur oo sheegay in qof ay ku waayeen dambi ku saabsanaa lunsi lacageed ay sii daysay maxkamadda.

“Maxkamaddu waxay xukun dil ah ku ridday, C/qaadir Cumar Maxamuud oo 28-jir ah, kaddib markii uu qirtay inuu dilay marxuum lagu magcaabi jiray, Cali Maxamed Xasan,” ayuu yiri Xaashi Cilmi, oo xusay in sidoo kale xabsi 30-sano ah iyo ganaax lacageed oo 30-milyan ay maxkamaddu ku ridday Maxamed Xasan Daahir oo 30-sano jir ah, kaddib markii lagu helay inuu u fududeeyay eedeysanaha dilka geystay inuu dilkaas geysto.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in dhowr eedeysane oo kale lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya laba sano illaa toban sano, kuwaasoo uu ku jiray nin lagu helay inuu geystay fal kufsi ah.

“C/llaahi Xuseen Ibraahim oo 23-jir ah laguna helay inuu geystay fal kufsi ah, waxayna maxkamaddu ku xukuntay 10-sano oo xarig ah iyo 10-milyan oo shillin Soomaali ah,” ayuu guddoomiyuhu mar kale yiri.

Eedeysanayaasha kal ee la xukumay ayaa waxaa ka mid ah: C/risaaq Nuur Fiidow oo 20-jir ah oo lagu helay inuu isku dayay inuu si bareer ah u kufsado xaaska adeerkiis oo uu la noolaa, waxayna maxkmaaddu ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah iyo ganax lacageed oo dhan saddex milyan oo shillin Soomaali ah.

Maxamed Abuukar Cali oo 30-jir ah oo isna lagu helay inuu bastoolado aan sax ahayn dhac ku geystay ayay maxkamaddu ku xukuntay shan ano oo xarig ah iyo shan milyan oo ganaax lacageed ah, kaasoo laga doonayo inuu iska bixiyo.

Eedeysanayaasha ay maxkamaddu ku ridday xukunnada kala duwan oo gabi ahaan ahaa rag ayaa waxay da’doodu u dhexeysay 30-jir illaa 20-jir, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya