4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay nin xalay lagu dilay Magaalada Hargeysa xarunta Somaliland

Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Nin Baastoolad ku hubaysan, ayaa xalay xaafadda Siinaay ee Koonfurta magaaladda Hargeysa ku toogtay nin magaciisa la yidhaaa Maxamed Sheekh Axmed Cabdilaahi kaas oo maydkiisa la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Taliye ku xigeenka Booliska Gen:Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa sheegay ninkaasi la dilay muddo laba bilood ah uu joogay magaaladda, isla markaana ciidamada dambi baadhistu ku mashquulsan yihiin sababta dilkan keentay, iyadoo laba qof oo lagu eedeynayo dilka ninkaasi la waydiinayo su’aallo.

“Ninkan oo dhowaan ka yimid koonfurta Soomaaliya waxa lagu dilay goob aan wax badan ka fogayn gooladda Garoonka Hargeysa Stadium, Ciidanka Boolisku waxay ku hawlan yihiin baadhista dilkiisa oo aanu ku mashquulsan nahay,”ayuu yidhi Taliye Ku xigeenka Boolisku oo warbaahinta u waramayey.

Taliye ku xigeenku waxa uu intaasi ku daray inay ay jiraan dad xalay loo xidhay dilka ninkaasi oo Boolisku su’aallo weydiinayaan.

Dilkan ayaa dadweynaha xaafadaasi ku keentay cabsi, maadaama oo dilka noocan oo kale ahi ku cusub yahay magaaladda, isla markaana inta badan lagu guulaysan jiray qofkii qof dillla in sharciga la hor keenno, haseyeeshee illaa ciidanka dambi baadhistu waxay ku jiraan baadhitaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland