4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Magaalada Kismaayo oo laga hirgeliyay Mashruuc biyo gelin ah

Sabti, August 24, 2013 (HOL) Waxaa magaala Kismaayo laga hirgeliyay shirkad cusub oo lagu magacaabo Kismayo Water Supply, taasoo biyo nadiif ah gelin doonta guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Xaflad lagu daah furayay shirkaddan cusub ee biyo gelinta Kismaayo oo ay kasoo qeybgaleen ganacsato, haween, odoyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  ku dhaqan Kismaayo ayaa lagu qabtay Hotel Qiil-mawaaye ee magaalada Kismaayo, waxaana injineerada Shirkaddu ay halkaasi ku soo bandhigeen habka ay u shaqeyn doonto shirkaddan cusub iyo goobaha ay biyaha gaarsiin doonto.

Gudoomiyaha shirkadda biyo gelinta Kismaayo Shaafi Raabbi Kaahin oo ugu horeyn  goobta ka hadlay ayaa ka warbixyay ujeedada furitaaanka shirkaddan isagoona sidoo kale baaq u diray ganacsatada.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya, islamarkaana kamid ahaa masuuliyiinta lagu casuumay xafladda furitaanka shirkadda ayaa u hambalyeeyay ganacsatadii isu xilqaantay howshan, isagoona sheegay in tallaabadani ay tahay mid horumar ah islamarkaana ku dayasho mudan

Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay  ee mudo 20-sano kadib ah laga hirgeliyo magaalada Kismaayo, waxaana si diiran usoo dhaweeyay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
kismaayo, Soomaaliya.