4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2013
Wadahadallo u Dhexeeya Dowladda Somalia iyo Maamulka Jubbaland oo ka socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya


Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya ergooyin ka kala socda dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo dhowr jeer uu ku sigtay inuu burburo.

Shirkan oo ay garwadeen ka tahay IGAD oo ay horkacayo dowladda Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in dhinacyadu ay isku mari la’yihiin qodobbadii la isla soo qaaday qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yihiin in dowladda Soomaaliya ay aqoonsato maamulka Jubbaland.

Maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa inay ergooyinku mar kale kulankoodii ku yeeshaan magaalada Addis Ababa, iyadoo wararka hoose ay sheegayaan in ergooyin la xoojinayo si wadahadalladani u noqdaan kuwo miro-dhala.

Dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa ergada shirka uga qaybgalaya madax u ah wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax C/aaadir halka uu dhinaca maamulka Jubbaland hoggaaminayo Sheekh Axmed Madoobe.

Inkastoo aysan jirin wax qodobbo ah oo la isla gaaray haddana waxaa jira dadaal weyn oo IGAD ay ugu jirto sidii ay labada dhinac uu u dhexmari lahaa is-afgarad si muran siyaasadeedka Jubbooyinka ka taagan uu meesha uga baxdo.

Ergada maamulka Jubbaland ka socota ayaa dhankooda dadaal ugu jiraan sidii ay dowladda Somalia u aqoonsan lahayd maamulkooda iyo shuruucdiisa kuwaasoo ay ka mid yihiin calanka, dastuurka iyo jiritaanka maamulkooda, inkastoo ay diidan yihiin erdada dowladda inay Jubbaland u aqoonsadaan maamul Soomaaliya ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya oo intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya la kulmay ergooyinka labada dhinac ayaa ka dalbaday inay ku dadaalaan sidii ay isku af-garan lahaayeen, muranka jirana si nabadgalyo ah ay ugu dhameyn lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan aqoonsanayn jiritaanka maamulka Jubbaland oo bishii May ee sannadkan looga dhawaaqay Kismaayo, iyadoo dowladdu ay sheegtay inuu yahay mid lagu dhisay si aan waafaqsanayn dastuurka dalka u yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya