4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2013
Booliiska Kenya oo ka digey weerarro laga geysto Mombassa


Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa ka digay weerarro Al-shabaab iyo kooxaha xiriirka la lehi ay ka geystaan magaalada Mombassa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Kenya, iyadoo dadka ku nool 70% ay yihiin muslimiin.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarradani ay yihiin kuwo la doonayo in loogu aargudo, Sheekh Cabuud Rogo oo 27-kii bishii Ogoosto ee sannadkii hore lagu dilay magaalada Mombassa, taasoo keentay inay gasho magaaladaas deggenaasho la’aan maalmo socotay.

“Waxaan helnay warar sirdoon oo sheegaya in Al-shabaab iyo kooxaha ay xiriirka leeyihiin ay qorsheynayaan weerarro ay ka geystaan magaalada Mombassa, kuwaasoo xiriir la leh dilkii Sheekh Abuud Rogo,” ayuu yiri taliyaha booliiska Mombassa, Robert Kitur oo la hadlay warbaahinta.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Digniinteennna waxay si gaar ah ugu wajahan tahay todobaadka soo socda, maxaa yeelay waa markii sannad ka hor uu dhacay dilkii Sheekh Rogo.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in heegan la geliyay ciidamada ku sugan Mombassa isla markaana laga mamnuucay taageerayaashii Sheekh Rogo inay dhigaan dibadbaxyo ay ku xusuusanayaan.

Muslimiin badan ayaa ku eedeeya dilka Sheekh Rogo inay ka dambeyso dowladda Kenya, inkastoo dowladduna ay iska riixday, waxaana Sheekhan la dilay isagoo wata gaari ayna la socdaan xubno ka tirsan qoyskiisa.

Mombasa ayaa xilligan ah magaalo ay ka socdaan howlo badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in si KMG ah ay u isticmaalayaan diyaaradihii ku degi jiray garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta oo horraantii bishan uu dab xoogan ka kacay qaybta koowaad ee garoonka.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011, waxaa dalkaas ka dhacayay dilal qorsheysan, qaraxyo iyo falal kale oo kasoo horjeeda ammaanka, waxaana mas’uuliyadda qaar ka mid ah sheegatay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya