4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Xariga ka jaray Iskuul Carruurta wax lagu barayo oo Muqdisho laga hirgeliyay (SAWIRRO)


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray iskuul laga furay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho oo wax lagu bari doono carruur Soomaaliyeed, kaasoo dhismihiisa uu hirgeliyay ururka Midowga Afrika.

“Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulsho walba, carruurteennuna waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho tayeysan si ay mustaqbal ifaya u helaan. Waxbarashadu waa iftiin, rajo iyo mustaqbal wanaagsan. Carruurteenna waa kuwii dalkeenna hoggaamin lahaa mustaqbalka,” ayuu ku yiri madaxweynuhu hadalk uu ka jeediyay furitaankii iskuulkaas.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Maanta waxaan rabnaa in dalka loo helo mashaariic fara badan oo dib loogu dhisayo, sida mashaariicda waxbarasho, caafimaad, adeegyada bulshada iyo mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada Soomaaliyeed. Dhawaan waxaan Brussels ka dhici doona shir ay ku dhan yihiin mashaariicdii dalkan dhan dib loogu dhisi lahaa, si dalku horumar u gaaro.”

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in qorshayaasha AMISOM ay dalka u joogaan aysan ahayn oo keliya inay la dagaalamaan kuwa nabadda diidan, balse ay ka shaqeynayaan horumarinta bulshada.

“Qorshaha AMISOM ay halkan u joogto ma ahan oo keliya in dowladda ay ka caawiso dagaallada ay kula jirto kuwa nabadda diiddan, balse waxaa ka mid ah in la fuliyo qorshayaal bulshada wax u taraya,” ayuu yiri Anaadiif.

Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow daaci oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhismaha iskuulkan uu soo socday muddo saddex sano ka badan, lagu guuleystay in la furo maanta, isagoo ku xusay in loo baahan yahay in laga faa’iideyso aqoonta laga bixinayo.

Dhismaha iskuulkan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay bixisay dowlad reer Yurub ah taasoo lagu sheegay inay ka badan tahay 147,000 oo doollarka Mareykanka ah, isagoo noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo laga furo magaalada Muqdisho si ay caruurta Soomaaliyeed wax ugu bartaan.

Madaxweynaha oo furayaashii iskuulkaas uu ku wareejiyay Ergayga AU-da ayaa isaguna wuxuu ku wareejiyay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, isagoo ku boorriyay inay wax ugu qabto shacabka Soomaaliyeed haddii ay wax ku qaban waydana looga qaadi doono furayaasha sida loogu wareejiyay maanta.

Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siisay waxbarashada oo muhiim gaar ah u leh dalka oo dib u soo kabanaya, carruurta intooda badan aysan helin fursad waxbarasho, waana sababta ay dowladdu u leedahay hami ah in hal milyan oo carruur ah ay helaan waxbarasho tayeysan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya