4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Madaxweynihii Dowladdii Milateriga ahayd ee Dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak oo lagu Xukumay Xabsi Guri


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa lagu xukumay xabsi guri, kaddib markii laga sii daayay maanta xabsigii ku jiray, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Masar.

Xusni Mubaakar oo 85-jir ah ayaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dila dad badan oo shacab ah intii uu socday kacdoonkii xukunka looga riday sannadkii 2011.

Dacwadda madaxweynihii hore ayaa dib loo furay bishii May ee sannadkan, iyadoo lagu guuleystay ugu dambeyn in xabsiga laga sii daayo, balse waxaa lagu xukumay xabsi guri aan la shaacin inta uu qaadan doono.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Masar, iyagoo warar ay warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa Masar siiyeen ku sheegay inay ku faraxsan yihiin in xabsiga laga sii daayo.

“Mubaarak waan jecel nahay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen oo 30-jir ah oo ka mid ah dadka aan shaqeyn ee ku nool Qaahira, isagoo intaas ku daray: “Iska daaya si sharaf leh haku noolaadeen, waayo 30-sano ayuu xukunka hayay.”

Qaar ka mid ah shacabka dalka Masar ayaa tallaabadan Mubaakar looga sii daayay xabsiga kasoo horjeestay iyagoo ka dalbaday milateriga in dib loogu celiyo xabsiga, si uu u maro xanuunka dhibaatadii uu geystay.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa dhowr jeer maxkamadda la horgeeyay iyadoo lagu eedeeyay dambiyo fara badan intii uu xukunku hayay, balse garyaqaankiisa ayaa tallaabadan lagu sii daayay soo dhaweeyay kuna tilmaamay mid loo baahnaa.

Dhanka kale, dalka Masar ayaa waxaa weli ka taagan jahwareer weyn oo ka dhashay tallaabadii xukunka dalkaas looga tuuray, iyadoo iskahorimaadyo ay dad badani ku dhinteen ay weli dalkaas ka taagan yihiin.

Madaxweynihii lasoo dooray, Maxamed Mursi ayaa isagana weli ku jira xabsi iyadoo dalka uu ku jiro xaalad deg-deg ah. Waxaana tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada cambaareeyay dalalka reer galbeedka iyo kuwa islaamka qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya