4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Odayaal u gurmaday beelo ku diraray Deegaanka Oog oo ka tirsan Gobolka Saraar ee Somaliland oo uu daad qaaday

Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Laba Beelood oo isku deegaan ah, ayaa shalay dagaal ku dhexmaray deegaanka Gawse weyne ee degmadda Oog ee gobolka  Saraar.

Dagaalkan labadda beelood ee walaalaha ahi ku dhexmaray deegankaasi, ayaa waxa ku geeriyooday illaa afar qof, tirro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, waxaana la sheegayaa in labadda dhinacba ay isku hub urursanayaan.

Wararka ka imanaya degmadda oog ee dagaalku ka dhacay ayaa la sheegay inay u gurmadeen ciidamadda Milatariga iyo kuwo Booliska, kuwaas oo la filayo inay dhex galaan labadda beelood.

Wararka ka imanaya Magaaladda Caynaba ayaa sheegaya in dhaawacyo la keenay cisbitaalka Caynabo, haseyeeshee illaa hadda lama hayo waan waan iyo cid kala dhexgashay marka laga reebo ciidankaasi loo diray.

Khilaafkan dhulka ee labadda beelood isku haystaan, ayaa baryahanba soo jiitamayey , iyadoo aan waxba laga qaban, waxaana xal u heli taan la’aantaasi keentay in dagaalkaasi dhimasho iyo dhaawac sababtay ka qarxo deegaankaasi, inkasta la sheegayo in dagaalkani ka dhashay   Ceel xoolo laga waraabinayey,halkaasi oo dad lagu laayey, ka dibna qoladii dadka laga laayeyna beeshi kale rag ka soo jeedda ugu aareen taasina ay keentay dagaal gacan ka hadal ah.

Dhinaca kale, Xukuumadda ayaa xalay shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen kaga arrinaday sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi, Waxaana xalay xilli dambe magaaladda Hargeysa ka baxay wefti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, kaas oo uu hor kacayey wefti madax dhaqameedka, haseyeeshee waxa weftigii dhaafi kari waayeen dooxa Dacar Budhuq ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera oo qaar ka mid ah salaadiintii uu dooxaasi qaatay.

Inkastoo qaarkood la soo badbaadiyey, hadana waxa raq iyo ruux ba la waayey Suldaan  Xasan Bare oo ka mid ahaa weftiga madax dhaqameedka ee u gurmanayey beelaha dagaalku dhexmaray, waxaana la soo xaqiijiyey in Suldaankii Maydkiisa la soo helay mar dhowayd duhurkii.

Alla ha u naxariisto Suldaan Bare waxa Maydkiisa laga soo helay meel ka durugsan halkii uu daadku ka qaatay, iyado wakhti dheer ku qaadatay in la helo maydkiisa maadaama oo Daad weyni dooxa marayey, isla markaana aanu roobku illaa xalay Da’ayey oo aanu kala Qaadin ilaa salaadii subax.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ayaa u gurmatay baajinta dagaalkaasi si aanu u balaadhan, waxaana deegaanka uu dagaalku ka dhacay gaadhay ciidamo badan oo la kala dhex dhigay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]   
Hargeysa, Somaliland